You are currently viewing SI FUDUD KUHEL NOLOL FARXAD LEH |TILMAAMO WAAYO ARAG
SI FUDUD KUHEL NOLOL FARXAD LEH |TILMAAMO WAAYO ARAG

SI FUDUD KUHEL NOLOL FARXAD LEH |TILMAAMO WAAYO ARAG

SI FUDUD KUHEL NOLOL FARXAD LEH |TILMAAMO WAAYO ARAG

Farxaddu waa baadi aan loo kala harin helitaankeeda, oo ay dad badan raadinayaan taas oo saamayn ballaaran ku leh nolosheenna iyo caafimaadka maskaxdeenna, haddaba waa sidee dhadhankeeda? Sidee baan ku dareemaa farxad badan? Sideen ku soo jiitaa marka hore, farxaddu ma go’aan uu qof qaadanayo baa? Hadday sidaa tahay sidee baan ku ilaashan karaa dareenka farxadeed ee aan haysto? Su’aasha kale ee muhiimka ah waxa ay tahay Sidee aan isaga ilaalin karaa in dadka kale ay saamayn taban ku reebaan farxaddayda?

Su’aalahan oo idil jawaabtooda waxaad kaga bogan kartaa qormadan hoose oo aad ka akhrinayso barta Qormooyin.com

Ugu horrayn waxaa muhiim ah in qofka uu garto in caafimaadka naftu uu si weyn ugu tiirsanyahay habka loo maareeyo dareennada, iyo in aan lagu sii fogaan dareenka farxadeed, sababtoo ah maba jirto farxad joogto ah oo aan dhammaad lahayn sidoo kale tiiraanyo joogto ah oo aan dhammaad lahayn lama sheegin, Rawla Casfuur oo ah khabiir ka shaqaysa arrimaha nolosha khuseeya ayaa sidaas warbaahinta Aljasiira u sheegtay.

Waxa ay intaas ku daraysaa in dareennada aan dhamaystirnayan ee uu qofku dareemo in ay ka caawinayso in uu xukumo hab dhaqankiisa sidoo kalena ay ka ilaaliso khataraha, waxa ayna kordhidaa awoodda uu qofku ku gaari karo go’aanno, iyo in uu si qoro dheer u fahmo waxa ku gedaaman naftiisa iyo dadka kaleba.

Akhriso talooyinka ay Rawla Casfuur bixinayso si uu qofku u helo nolol farxadi ku larantahay.

Waa Maxay dareemidda farxadda?

Rawla Casfuur waxa ay leedahay: Farxaddu waa xaalad caadifadeed oo ku suntan dareennada farxadeed iyo qanacsanaanta, wayna kala duwantahay heerarka farxadeed uu qofku dareemo taasi oo ku xiran hadba heerka ay le egtahay qanacsanaanta qofka, hab fekerkiisa, iyo in uu dareemo in noloshiisu ay ku socoto sidii uu doonayay.

Heerarka qanacsanaanta waxaa saamayn ku leh arrimo gudeed sida shakhsiyadda qofka iyo sida uu mustaqbalka u la muuqdo, sidoo kale arrimo dibadda ayaa saamayn ku leh oo ay ugu horrayso mujtamaca uu la noolyahay.

Qanacsanaanta ugu weyn waxaa xaddida oo ay ku xirantahay xaaladda uu qofku ku suganyahay, nooca xiriir ee kala dhaxeeya dadka kale, dabeecadda mujtamaca uu la noolyahay, iyo awoodda uu u leeyahay in uu daboolo baahiyihiisa.

Diraasad ay samaysay jaamacadda Bristol ee ingiriiska waxa ay tilmaamaysaa in dadka farxadda haysta ay caafimaad badan qabaan, waxa ayna ka cimri dheeryihiin dadka kale, intaa waxaa u dheer in xiriirka ay dadka kale la leeyihiin uu yahay mid aad u wanaagsan, waxsoosaarkooda shaqaduna wuu sarreeyaa.

Sidee lagu helaa nolol farxad badan?

Aragtida loo yaqaano (Hedonic adaptation) waxa ay tibaaxaysaa in heerka farxaddu yahay mid sugan inta badanna uu sare u kaco kolka laga gungaari hadaf muddo cayiman, kaddibna halkiisii ayuu ku soo laabtaa, sidaa oo kale dareennada urugada ama murugeed ee aadanaha sare ayay u kacaan kolka la gaaro yool kolka ay muddo ka soo wareegatana halkiisii ayuu ku soo laabtaa, dabeecadda aadanaha waxa ay tahay in uu u janjeero mustawe sugan oo farxad iyo murugoba ah.

Kaladuwanaanta heerarkan waxaa loo tiiriyaa kala duwanaansho hiddeside ee dadka oo 50% ah , duruufta bay’ada iyo hab nololeedka oo 10% ah, iyo 40% oo ah hab-fekerka iyo mawqifka qofeed uu kula dhaqmo qofku dhacdooyinka uu la kulmo.

Tani waxa ay adkaynaysaa in qofka go’aan qaadashada badan uu marwalba isbeddel wanaagsan u sii socdo, farxaddu ma aha arrin mustaxiil ah oo aan la gaari karin, haddana waxa aynu suuraysano iyo in aynaan ku qanacsanayn waxa aynu haysanno iyo wixii aynu gaarnay waxa ay farxaddu ka dhigaysaa mid ku xiran waxyaabo kale in aynu helno.

Sideen u soo jiidan karnaa dareennada farxadeed?

Aadanuhu waxa uu soo jiitaa wax kasta oo uu ka fekero, caqliga aan toosin waxaa maalin kasta soo gaara dhambaallo uu akhriyo iyo hadallada uu qofku maqlayo, sidoo kale waxa uu rumaystaa waxa uu qofku ka sheego naftiisa ama dadka kale ay ka sheegaan, tani waxa ay u dhacdaa ogaal la’aan.

Fikradahani waxa ay saamayn ku leeyihiin nooca dareen ee uu qofku dareemayo, ha noqdo mid togan ama mid taban, sidoo kale waxa ay go’aamisaa qaabka uu qofku u wajahayo dhacdooyinka iyo xaaladaha qabsada.

Tani waxa ay la micno tahay in fikradaha togan ay soo jiitaan hab dhaqan togan, si lamid ah fikradaha taban waxa ay soo jiitaan hab dhaqan taban.

Sidaa darteed in qofku si togan u eego wax kasta, iyo in uu ka fekero mustaqbal togan oo baraare ah in uu soo socdo waxa ay ka dhigantahay tani habka ugu wanaagsan ee uu qofku ku soo jiito farxad badan.

Xaaladda nafsi ee aadanaha waxa ay isbeddeshaa dhowr goor maalin kasta, sidee lagu ilaashan karaa farxadda?

Waa arrin daruuri ah in qofku oggolaado xaaladda nafsi ee aadanaha in ay saamayn ku leedahay dhacdooyinka uu maalintii la kulmo, sidoo kale in uu qofku iska tirtiro dareennada taban oo farxaddeena saamayn ku leh ay ka horimanayso abuurta bani aadamka, sidaa awgeed waxaa lagama maarmaan ah in qofku raadiyo farxaddiisa, isaga u maraya waddooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

• In uu garto nimcooyinka uu haysto, iyo in uu dareemo qanaaco wixii uu helay isaga oo meel iska dhigaya carada, xanaaqa, iyo cabashada tirada badan.

• Waa arrin daruuri ah in aanu qofku fadhigiisa ku sugin farxad oo uu raadiyo macnaha iyo dhadhanka nolosha, sidoo kalena uu qofku samaysto jadwal hawleed uu kaga faa’idaysto meelaha uu ku wanaagsanyahay.

• Ha isku xirin farxadda iyo hadaf and gaarto; baaritaanno badan ayaa tilmaamaya in guusha aan farxadi daba oolin, balse loo baahan yahay in qofku xaalad togan uu ku sugnaado ugu dambaynna farxadda iyo guushuba la Wada helo.

•Aqbalaadda nafta iyo in si wacan loo la dhaqmo waa arrin aan looga maarmin halkan, waa arrin loo baahanyahay in uu qofku ka fogaado liididda naftiisa (sida in uu isku tilmaamo faashil, doqon, qof aan waxba mudnayn) iyo haddalada kale ee taban oo hoos u dhigi kara qiimaha qofka.

•Ka fogow oo ha isku dhererin waxa ay dadka kale kugu tilmaamaan, sidoo kale ha isku mashquulin in aad naqdiso ama buriso warkooda, tani waxaa la arkaa in ay hoos u dhigto xiriirka aad dadka kale la leedahay, halkii la rabay in qofku cilaaqaad wanaagsan la yeesho mujtamaca uu ku dhexjiro.

• Cuntadaada hagaaji, waxaa jira cunto sare u qaadda caafimaadka nafsi ee qofka.

• Joogtaynta jimicsiga iyo isboortiga waa arrin mahuraan ah.

Tixraac

Waxaa qortay: Samiira Cawad

Waxaa tarjumay: Cabdiraxmaan Caqiil

https://www.aljazeera.net/lifestyle/2024/7/1/%d9%86%d8%b5%d8%a7%d8%a6%d8%ad-%d9%85%d9%86-%d8%ae%d8%a8%d9%8a%d8%b1%d8%a9-%d8%ac%d9%88%d8%af%d8%a9-%d8%a7%d9%84%d8%ad%d9%8a%d8%a7%d8%a9-%d9%83%d9%8a%d9%81-%d8%aa%d8%ad%d9%82%d9%82

Leave a Reply