You are currently viewing BADMAAXII BURTAQIISKA IYO SOCDAALKII MUQDISHO

BADMAAXII BURTAQIISKA IYO SOCDAALKII MUQDISHO

BADMAAXII BURTAQIISKA IYO SOCDAALKII MUQDISHO

Faasko de gaama( Vasco de gama) waxa uu ahaa badmaax iyo dhul mareen dunida si weyn looga yaqaanay, waxa uu qarnigii 15aad booqasho ku yimid Geeska Afrika, waxa uuna cagta soo dhigay magaalada Muqdisho oo xilligaas xuddun u ahayd ganacsi iyo horumar ballaaran.

Dhalashadii iyo Horukaciisa:

Faasko de Gama waxa uu dhashay sannadkii 1460( Taariikhyahanada qaar ayaa qaba In uu dhashay 1469), isaga oo ku dhashay magaalada Sines ee dalka Burtaqiiska (Portugal). Waxa uu ka soo jeeday qoys dabaqada sare oo lagu yaqiinay xirfadda badmaaxnimo iyo ka shaqaynta badda. Isaga oo da’yar ayuu muujiyay hawlkarnimo iyo xirfad dheeri ah oo ku tilmaaman cilmiga badmaaxnimada iyo guud ahaan culuunta badda. Waxa uu ku soo koray jawi ay ka muuqato xiisaha iyo rabitaanka uu u qabay sahminta, taas oo ku dhiirrigelisay inuu noqdo mid ka mid ah sahmiyayaashii ugu caansanaa taariikhda.

Ujeeddada Safarkiisii Ugu Horreeyay:

Boqorkii Burtaqiiska ee lagu magacaabo jiray Manuel I, ayaa doonayay inuu helo waddo badeed ama marin badeed ka timaadda Yurub taas oo lagu tagi karo Hindiya si uu u helo ganacsi toos ah oo ka madax bannaan jidka weyn ee maraya gacanka Carabta iyo Bariga Dhexe oo waayadaas muslimiintu ka talinayeen. Vasco da Gama oo loo xilsaaray socdaalkan muhiimka ah oo lagu raadinayo dhabbo cusub ayaa noqday hogaamiyaha sahankan taariikhiga ah.

Safarkii Ugu Horreeyay:

8-dii bisha toddobaad Luulyo sannadkii 1497, Vasco da Gama iyo kooxdiisii waxay ka baxeen Lisbon oo Butaqiiska caasimad u ah iyagoo ku socdaalay afar markab oo la kala oran jiray, São Gabriel, São Rafael, Berrio, iyo mid kayd ah oo aan magac gaar ah lahayn. Waxa ay adeegsanayeen intii ay ku jireen safarka badaha qalab casri ah oo waqtigaas la isticmaali jiray sida astrolabe iyo compas.

Kadib bilooyin dhowr ah oo ay ku jireen safar, waxa ay soo gaareen xeebaha Afrika bishii Nofembar 1497, waxa ayna soo cagadhigteen meel u dhow gacanka rajada suuban ( Cape of Good Hope). Intii ay halkaas ku sugnaayeen waxaa ku habsaday dabaylo xooggan, Waxa ayna ku khasbanaadeen inay la tacaalaan dabaylaha xooggan iyo xaalado adag oo ay xilligaas wajahayeen, laakiin ugu dambeyn waxa ay ku guuleysteen inay ku wareegaan gacanka rajada suuban (Cape of Good Hope) waxa ayna u sii socdaaleen dhanka waqooyi iyagoo maraya xeebaha Bariga Afrika.

Socdaalkii uu ku yimid Muqdisho

Safarkii da Gama ayaa sii socday ilaa ay ka gaareen xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Xamar (Mogadishu) oo waqtigaas ahayd magaalo ganacsi oo aad u weyn oo ku taal waddo ganacsi oo muhiim ah taas oo u dhexysa gacanka Carabta, Hindida, iyo Bariga Afrika. Muqdisho waxaa xilligaas ka jiray xukunka Boqortooyadii Ajuuraan, waxa ayna caan ku ahayd suuqyo qani ku ah waxyaabaha qaaliga ah sida xabagta, malabka, haragga, xariirta, udugga, i.w.m.

Markii ay soo gaareen xeebaha magaalada Muqdisho Faasko de Gama iyo kooxdiisa waxaa si gobannimo leh ugu soo dhaweeyay dadka deegaanka. Waxa ay fursad u heleen inay ku ganacsadaan magaalada oo ay bartaan dhaqanka iyo ganacsiga dadka Soomaaliyeed. Intii ay halkaas joogeen, waxa ay sidoo kale heleen macluumaad qiimo leh oo ku saabsan waddooyinka ganacsi ee u sii socday Bariga Dhexe iyo Hindiya taas oo wax badan ka taray sahankii ay wadeen.

Imaanshihii Hindiya:

Kadib markii ay ka tageen Xamar, Vasco da Gama iyo kooxdiisu waxa ay sii wateen safarkoodii waxa ayna ugu dambayntii soo gaareen magaalada Calicut ee Hindiya 20-kii Maajo 1498. Soo gaaristooda Hindiya waxa ay ahayd guul weyn oo uu Burtaqiisku gaaray, iyagoo halkaas ka helay waddo cusub oo ganacsi. Waxa ay la kulmeen boqorkii Calicut, Zamorin, waxa ayna bartaas ku la galeen heshiisyo ganacsi iyo is afgarad ku saabsan dhabbahan cusub.

Soo Laabashadii iyo Saameyntii uu reebay

Vasco da Gama waxa uu ku laabtay dalka Burtaqiiska bishii Agoosto 1499 isaga oo wata alaabo qiimo badan iyo macluumaad cusub oo ku saabsan Hindiya iyo waddooyinka ganacsi ee badda. Soo laabashadiisa waxa ay u horseedday Burtaqiiska in uu  noqdo quwadda ugu weyn ee ganacsiga badaha ee Yurub, taas oo keentay in la sameeyo nidaamyo ganacsi oo cusub oo lagu hormarinayo dhaqaalaha iyo awoodda boqortooyada Burtaqiisku ku leedahay dunida.

Safaradii Kale uu galay

Faasko Da Gaama waxa uu sameeyay safarro kale oo muhiim ah, waxa uu mar kale ku laabtay Hindiya, si uu u sii xoojiyo xiriirka ganacsi ee Burtaqiiska iyo Hindiya. Safarkiisii labaad waxa uu ahaa mid uu ku qaaday awood milateri si uu u xoojiyo danaha Portugal ee gobolka uuna u qabsado dadkii uu heshiisyada la soo galay. Waxa uu markii dambe noqday guddoomiyihii  ugu horreeyay ee Burtaqiis ah oo HIndiya ka galiya, isaga oo masuul ka ahaa maamulka iyo ilaalinta danaha Burtaqiiska ee gobolka.

Geeridiisa iyo Dhaxalka uu ka tegay

Qaybihii dambe ee noloshiisa waxaa in badan Faasko loo soo jeediyay in uu ku laabto Burtaqiiska si uu meesha uga beddelo mas’uuliyiinta Burtaqiiska ee halkaas dhibaatada ku waday, Boqor Joonkii 3aad ayaa kolkii dambe Faasko de gaama u magacaabay ninka looga dambeeyo talada hindiya, bishii sibtambar 1524kii ayuu soo gaaray Hindiya, ujeedkiisa ugu weyn waxa uu ahaa si uu u saxo khaladaadkii maamul ee waqtigaas jiray.

Vasco da Gama waxa uu geeriyooday 24-kii Diseembar 1524, waxa uuna ku geeriyooday magaalada Cochin ee Hindiya, isagoo ka tagay dhaxal weyn oo ku saabsan sahminta badaha iyo ganacsiga caalamiga ah. Dhaxalkiisa waxaa ka mid ah furitaankii waddo ganacsi oo toos ah taas oo u dhexaysa Yurub iyo Hindiya, waxa ayna taasi saameyn weyn ku reebtay dhaqaalaha iyo siyaasadda dunida ee wakhtigaas.

Maxaa lagu xusuustaa?

Vasco da Gama waxaa lagu xasuustaa loona tixgeliyaa in uu door weyn ku lahaa sahminta badaha, isaga oo noqday qofkii ugu horreeyay ee Yurub ka tago oo gaaro Hindiya isagoo maraya waddo badeed. Sheekadiisa ayaa weli ah mid lagu xasuusto dadaalkiisa, waxa ayna taariikhyahanada qaar u garteen in uu ahaa halyey weyn oo kaalin weyn ka qaatay horumarinta ganacsiga iyo sahminta caalamka.

Dhinaca kale Faasko de gaama waxa uu lahaa taariikh madow oo aan la dafiri karin, taariikhyahanada muslimiinta waxa ay Faasko de gaama ka qoreen in uu watay askar badan oo ku hubaysan madaafiic ilaa 20 kor u dhaafaya, waxa uu ujeedkiisu ahaa in uu gadaal ka weeraro dunida muslimka ah oo uu sidaas ku qabsado, sidoo kale waxa ay Burtaqiisku iskaashi la galeen dowladdii ka jirtay Dhulka Xabashida ee la oran jiray Aksum, taas oo loo soo diray Kiristofer de gaama oo walaal la ah Faasko de gaama.

Tixraac

* https://www.britannica.com/biography/Vasco-da-Gama

* https://www.allaboutexplorers.com/explorers/dagama/

*https://www.biography.com/history-culture/vasco-da-gama

Leave a Reply