SIDEE IMTIXAANKA LOOGU DIYAARGAROOBAA?
Waxaan qiyaasayaa inteenna badan in aynu arday wada nahay, arday iskuul, kuwo jaamacadeed, ama macaahid kale, waxaan dhammaanteenna doonaynaa in aynu guul ka gaarno waxbarashada iyo guud ahaan nolosha.
Waxaan jeclaystay in aan halkan ku soo qoro dhowr qodob oo aan u arkay in ay waxbadan ka baddali doonaan geeddiga ardaynimo iyo diyaargarowga imtixaannada dugsiyada, ama jaamacadaha.
Table of Contents
● IMTIXAANKA KAHOR
1. Waxaa muhiim ah in ardaygu hankiisu sarreeyo, meel wanaagsanna hiigsado.Waxa aad ogaataa in ujeedada aad wax u baranayso aanay ahayn in aad dhibco badan hesho, balse ay tahay in aad noloshaada anfacdo, bulshadana aad wax kusoo kordhido.
2. Xusuusnow in maskaxdaadu ay leedahay awood aan la qiyaasi karin, taas oo aad ku fakari karto, wax ku xifdin karto, ama ku xusuusan karto. Ardayda intooda ugu badan waxa ay xilliga imtixaanada isku hawlaan sidii ay taleefan u la gali lahaayeen hoolka uu imtixaanku ka socdo si ay u qishaan Imtixaanka, waxaase ka maqan in maskaxdoodu awood u leedahay in ay qaaddo in ka badan inta uu taleefanku qaado.
3. Ma jiro wax adag oo aan la baran karin, waxaase jira dadaal darro iyo han yari ardayda qaar lasoo gudboonaata. Waxaa inta badan la isku khaldaa in maadadu adagtahay iyo in qofku aanu fahmin, sababta keenaysa in aadan fahmin maaddada waxa ay noqon kartaa in aadan si fiican u dhugan cashirada kolka la sharxayo ama dayac aad samaysay, waxaa kaloo dhici karta in culeysku uu ka jiro dhanka macallinka, waase xaalad aan badnayn oo dhif ah. Fahamka dersiga waxa ay kaaga xirantahay in aad si wacan u dhugato baraha kuu dhigaya maaddada iyo in aad su’aal ka weydiiso meesha aadan weli garan ama aad ardayda la kaashato in aad si buuxda u fahanto duruusta.
4. Ku xirnaanshaha Alle, cibaabada, iyo salaadaha oo lagu dadaalo waxa ay sare u qaaddaa kalsoonnida nafeed ee qofka. Culimada ku takhasusay cilmu nafsiga(kasmo-nafeed) waxa ay isku raacsanyihiin in qanaacada ay sare u qaaddo kalsoonida qofka, sidaa darteed qofka makax ahaan ku qanacsan in uu heli doono wixii Alle u qoray waxa uu ku kalsoonyahay oo uu talada saartay Alle weyne SW oo arrin kasta xalkeeda ugu habboon haya.
5. Ka fogow dhafarka, iyo soo jeedka badan. Hurda yaridu waxa ay saamayn taban(negative) ku reebtaa ogaalka ardayga, waxa ayna sababtaa in ay yaraato xoog-saaridda iyo xusuusta ardayga, waxa ay sidoo kale keentaa in ardaygu ku adkaato in uu dib u xusuusto macluumaadka uu bartay ama uu xifdiyay.
6. Waa muhiim inaad soo toosto ugu yaraan 30 daqiiqo kahor salaadda Subax, tuko labo rakacdood, kaddibna ducayso, ummadana u ducee. Waxa aad u baahantahay in aad ku billowdo maaddada kuugu adag ee aad u malaynayso in ay waqti kaaga baahantahay. Wixii xifdin u baahan sida taariikhaha, qaacidooyinka, iyo qeexitaannada waqtigaas jawigu degganyahay ayaad xifdin kartaa.
●HABEENKA IMTIXAANKA
1. Waxaa lagu taliyaa Cunto dheellitiran inaad cunto cashada, oo aad ka fogaato cunto dufanka ku badanyahay, ama cunto culus oo dhaawac gaarsiin karta hurdada ardayga, iskana ilaali waxyaabaha dhafarka kuu horseedi kara ama hurdada kaa haadin kara Sida maaddada kaafiin waxyaabaha ay ku badantahay.
2. Waqti hore seexo, arday badan ayaa habeenkii isku daya in ay wax akhriyaan, arrintaasi waxay ardaygu ku keenaysaa in uu dareemo daal maskaxeed, iyo mid jireed, taas oo sababta in ardaygu soo tooso isagoo caajis ah oo aan gacan dhaqaajin karin, macluumaadka uu xifdiyayna ay isku qasmaan.
3. Ka fogow welwelka, qaar badan oo kamid ah ardayda ayaa kalsoonnida ka lunta xilliga imtixaanaadka, wixii kuu qoran kuma gafayaan, Alle talosaaro, naftaada aammin oo ku kalsoonow, dadaal iyo juhdi samee adiguna.
4. Iska ilaali adeegsiga waxyaabaha keeni kara dhafarka, sida kafeega, moobilka, ama tv-ga.
● MAALINTA IMTIXAANKA
1. Waqti hore soo toos. Tani waxa ay jirka fursad u siinaysaa in uu wax badan xifdiyo, xilliga hore ee ku beeggan 3 da ama 4 ta habeennimo iyo inta aan la gaarin salaadda subax, waxa uu jirku ku jiraa xaalad firfircooni iyo xamaasad leh.
2. Cadayo oo weysayso.
3. Salaadda masjidka ku tuko, hana iloobin adkaarta subaxda, iyo xuska Alle.
4. Ha ka tegin quraacda, wax badan bay ku anfacaysaa.
5. Soo qaado buugga maaddada la gali doono, kaddib si kooban u akhri mowduucyada waaweyn ee imtixaanka lagu keeni karo. Fikrad guudna ka qaado.
6. Waqti hore soo dhaqaaji, waa muhiim in aad soo baxdo waqtiga imtixaanka kahor, si aad u hesho waqti aad ku nasato oo maskaxdaadu isku uruursato.
7. Ha iloobin ducada la akhriyo marka guriga laga soo baxayo, waxay fure u tahay ducadan hawsha aad qabanayso.
8. Ha ku mashquulin oo diiraddaada ka ilaali wax aan imtixaanka ahayn.
9. Kolka aad fariisato hoolka imtixaanka, Alle talosaaro, kalsoonina waa in ay kaa muuqataa.
● IMTIXAANKII BAA LA GALAY
1. Marka laguu dhiibo warqadda, ku billow bisinka, kaddib ku qor magacaaga, arday badan ayaa natiijo la’aan ku dhacda magacyadooda oo ay illoobaan awgeed.
2. Hal mar wada akhri dhammaan su’aalaha, kaddib raac tilmaamaha ku qoran warqadda.
3. Fahamka su’aashu waa jawaabta barkeeda, si fiican isaga xaqiiji su’aasha.
4. Ku billow su’aalaha kuu fudud in aad ka jawaabto, kaddib u soo laabo kuwa kugu adkaaday.
5. Waqtigaaga u qaybi daqiiqado, xoogga saar su’aalaha dhaadheer ee darajooyinka badan saaran.
6. Haddii ay kugu adkaato su’aal, ha sugin, goob u banee oo kasoco su’aalaha kalena ka shaqee ilaa aad ka soo xusoosato.
7. Dib u milicso jawaabahaaga inta aadan warqadda iska dhiibin, dib u eeg haddii ay jiraan su’aalo aad ilowday, ama warqad aadan arag hadday jirto.
8. Iska hagaaji farta iyo qaab-qoraalka,qaar badan oo ardayda kamid ah waxay darajooyin ku waayaan nidaam la’aanta warqadda ka muuqata.
9. Jawaab kasta waa in aad ku qortaa lambarka su’aasha ay wadato, si aan macallinku ugu wareerin.
10. Xaalad deggan iyo maskax deggan ayaad u baahantahay in aad imtixaanka ku fariisato si aadan waxba u ilaawin.
Ugu dambayn guushu waxa ay ku jirtaa gacanta Eebbe, in aad kaalinta koowaad ku soo baxdo imtixaanka waxba lama aha Alle oo wuu kaaga filanyahay, ee amarka Alle qaado, ku dadaal cibaadada, ducada, istiqfaarta, iyo u samafalka waalidka. Guul baan idin rajaynayaa dhammaan inta imtixaan galaysa.
Sii faafi oo la wadaag saaxibadaada, haddii aad qodobo xusuusantahay qaybta commentska noogu reeb . Mahadsanid.
Tixraac
*كيف تستعد للامتحانات