You are currently viewing TAREENKII U DAMBEEYAY 03
tareenkii u dambeeyey

TAREENKII U DAMBEEYAY 03

TAREENKII U DAMBEEYAY 03

Maalintaas dad badan ayaa kabaha kaga cararay makhaayadda Daarfuur, dhowr bakeeri oo ku burburay is-buurashadii meesha ka dhacday baa laga dheehan karay.

Cod-baahiye aad u dhawaaqaya ayaa markiiba laga maqlay goobta ay wax ka dhaceen. Qofka dhawaaqaya waxa uu leeyahay “Laamiga u soo baxa oo madaxa gacanta ha la saarto” .

Waa Ciidamadii Maraykanka ee Muqdisho ku sugnaa kuwaas oo raadinaya raggii xabadda ku soo riday, dadkii safka ku jiray waxaa kamid ahaa Aw Macow oo aan Muqdisho deegaan ku ahayn iyo Caddaawe oo kasii dambeeyay, markii lagu amray in ay socdaan ayuu Caddaawe la soo baxay aqoonsi tilmaamaya in uu yahay shaqaale u shaqeeya qaramada midoobay, waxa uu kaloo sheegtay in odaygaas garka cas ee ka horreeya uu yahay abtigiisa, sidaas ayaana lagu soo daayay Aw Macow iyo Caddaawe.

Goor fiid ah oo cadceeddu godkeeda sii gashay ayay ahayd, Caddaawe waxa uu ka codsaday Macow in uu caawa u raaco oo uu ku hoydo aqalkiisa. Guri aan sidaa u weynayn oo laba qoys degganyahiin buu ahaa halka uu Caddaawe ku noolaa, isagu hal qol oo kaliya ayuu kaga degganyahay guriga, hal sariir, saddex kursi iyo miis, armaajo iyo boorso uu dharka ku rito ayaa qolka Caddaawe ku uruursanaa waqtigaas.

Caddaawe: soo dhawoow adeer Macow… Qolkan yar baan ku jiraa oo wuu kala daadsanayahay, iskaabule baan u ahay ha ila yaabin.

Aw Macow: igaarkay waan dhawahay… Meeshan kaligaa maa ku mool?

Caddaawe: Haa, adeer… Ehelkayga Beledweyne ayay degganyahiin intooda ugu badan.

Aw Macow: Ilaahey meeshooda ha ku ammaansado… Ee waxaan ku weydiiyay aabbahaa halkuu jiraa?

Caddaawe: Baadiyaha ayuu ku noolyahay, wuuna iga diiday in uu magaalada soo galo oo aan martiqaad u fidiyo.

Eedaankii cishaha ayaa hal mar isqabsaday Xaafadda Caddaawe uu degganyahay, hadalkii baa hal mar joogsaday oo sidii in meeshuba aan Cidi joogin baa dhacday, Aw Macow baa markiisa feker bilaabay, waxa uu isweydiiyay hadalkii Caddaawe ee ahaa “ iskaabule baan u ahay ha ila yaabin” . Caddaawe qudhiisa wuu isweydiiyay waxa ka dhalan kara hadalkiisaas oo uu marhore u qasday.

Kolkii uu waagu baryey ayuu boosteejada laga raaco gaadiidka taga Jowhar ku sagootiyay Aw Macow.

Dhowr maalmood kaddib waxaa guriga Caddaawe hortiisa yimid tiro shan nin oo laba kamid ah lahaayeen gar aad u weyn, nimankii waxaa loo sheegay in Caddaawe uu shaqo ku maqanahay oo aanu joogin.

  • Oo goormuu imaanayaa?

Ayuu mid kamid ah odayadii ku hadaaqay.

Duhur kaddib in uu yimaado baa loo sheegay, inta ay fariisteen darjiinka guriga ayay sii wateen sheekadooda.

Nusa saac ayaa ka soo wareegatay walina lama hayo ninkii Caddaawe ahaa oo la filayay in uu waqti hore guriga soo gaaro, markii ay dheeraatay sugitaanka Caddaawe ayay go’aansadeen in ay baxaan, waxaase mar kaliya lasoo furay ganjeelka guriga, waxaana soo galay gaari yar oo nooca raaxada ah oo uu Caddaawe iska lahaa.

-Salaamu calaykum adeer Macow ahaa.. waa la soo dheeraaday maanta. Ayuu ku soo galay Caddaawe oo qolka u furaya odayaashii, kolkii uu fariisiyay ayuu oday Macow bilaabay hadalka: Caddaawe waxaad tahay igaarkayga oo kale in muddo ahba waan is naqaanaa, dhowr jeer baan isku dayay in aan baaro shakhsiyaddaada iyo dabeecaddaada, waxaa ii soo baxday in aad tahay qof xiriir wanaagsan la leh Rabbigiis, naftiisa iyo bulshada uu la noolyahay, war iyo dhammantii Caddaawe waxa aan goostay in aan kuu guuriyo gabadhayda Sareedo oo iyadana iga oggolaatay in ay taladayda qaadato.

Waxaa isna hadalka qaatay Macallin Guuleed oo kamid ahaa odayadii la socday Macow, waxa uu macallinku ka warramayaa guurka iyo muhiimadda uu u leeyahay bulshada muslimka ah, iyo wanaagga uu leeyahay dhisidd guri muslim ah, intaas ninkii Caddaawe ahaa jirkiisa wax aan ka ahayn meesha ma joogo, maskaxdiisu waxa ay fasax qaadatay oo miyir ugu dambeeyay kolkii loo sheegay in Sareedo la siinayo.

“ Wallee ducadaadii baa Alle kuu aqbalay yaah” ayuu si hoose u yiri. Markii la soo gaaray in uu hadlo ayuu Caddaawe si hoose oo xishood ku jiro u soo hadal qaaday gabadhu in ay raali ka tahay guurkan iyo in kale. Waan is kiin barayaa ayuu Aw Macow hadal ugu soo koobay. Dhowr cisho kaddibna waxa ay ku kulmeen guri uu degganaa Sareedo abtigeeda oo duleedka Muqdisho ku yaallay…….

La soco qaybta 4aad

Leave a Reply