Table of Contents
SIDEE QUR’AANKA LOO XIFDIYAA?
Qur’aanku waa hadalkii Alle oo lagu soo dajiyay rasuulka SCW, waxaana loo soo dajiyay khalqiga dunida ku nool iyo kuwa iman doonaba.
Qur’aanku waa mucjisadii Eebbe ee arlada, waxa uuna wataa dacwad iyo qancin xooggan.
Akhrinta Qur’aanka waxaa laga helaa xasillooni nafeed iyo mid maskaxeedba, waxaa intaa dheer in qur’aanka laga helo akhrintiisa ajir fara badan sida uu inoo sheegay naadigeenna (NNKH).
QODOBO MUHIIM AH
Haddaba qofka akhrinaya Qur’aanka waxaa la gudboon dhowr qodob:
▪ In uu u gaar yeelo akhrintiisa Alle weyne SW, in uu ajir xisaabsado, in qalbigiisa uu galiyo waynaanta iyo halka uu qur’aanku kaga jiro diinta, iyo sidoo kale in uu xusuusnaado in uusan akhrinayan hadal bani aadam, ee uu wado kalaamkii Alle.
▪U fiirsasho iyo tadabbur waa muhiim, in uu qofku isku dayo fahamka aayadda uu akhrinayo waxa ay ka caawinaysaa in uu gartay wixii uu Alle faray diyaarna u yahay In uu ku dhaqmo.
▪ In uu is dareensiiyo in qur’aanku uu isaga ku socdo.
▪Waa muhiim in qofku soo waysa qaato inta uusan bilaabin akhrinta Qur’aanka.
▪In uu cadaydo sidoo kale waa la ammaanay.
▪in uu codkiisa ku wanaajiyo akhrinta Qur’aanka.
▪Waxaa aad loogu celceliyaa in qofku ixtiraam u muujiyo Qur’aanka oo uusan dhulka dhigin ama uusan wax kale dusha ka saarin, iyo in uusan taaban kitaabka in uu wayso qabo mooyee.
▪Goob munaasib ah ku akhri qur’aanka, goobtaas oo ka fog buuqa iyo doodda.
▪xilliyo aad u wanaagsan baa jira oo akhrinta Qur’aanka la ammaanay sida: qaybta dambe ee habeenka, iyo xilliga fajarka iyo barqada.
MAXAA KAA HORTAAGAN XIFDIGA?
Waxaa jira sababo badan oo caqabad ku ah in uu qofku wax xifdiyo, sababo waxaa jira kuu diiddan in aad qur’aanka xifdido, waxaana kamid ah:
▪Dembi iyo gefaf tiro badan: waxaa la arkaa in dembiyadu ay qofka ilowsiiyaan xuska Alle guud ahaan iyo xifdinta qur’aanka.
▪In uusan qofku muraajacayn ama dib u akhrin qur’aanka kariimka ah.
▪In uu qofku hal mar wada xifdiyo aayado badan isaga oo aan u gudbin intii harsanayd.
TALLAABOOYINKA XIFDIGA
In aad qur’aanka xifdido waxa ay kaaga dhigantahay in aad hadaf wanaagsan xaqiijisay, haddaba si aad hadafkaas u gaarto waxaad u baahan tahay qodobadan hoose:
1. In aad lahaato ikhlaas:
Waa muhiim in aad hagaajiso niyadda iyo halka aad u qasdinayso, xifdiga qur’aankana ay kaa noqoto Alle dartiis, in aad hesho raali ahaanshihiisa iyo in aad hesho jannooyinkiisa qaaliga ah, intaas oo abaalmarin ah waxaa iska leh qofka qur’aanka akhriyay, ku dhaqmay ,xifdina ku darsaday.
2. Sixidda dhawaq iyo akhrinta:
Waxaa lagama maarmaan ah in qofka uu iska saxo qur’aanka akhrintiisa oo uusan ku dhicin khaladaad xagga dhawaqa ah.
3. Xaddid oo meel ku qoro inta aad maalintii xifdin karto:
Waxaa si weyn loogu taliyaa in qofka xifdiga galaya uu ku socdo jadwal iyo nidaam, in uu jaangooyo inta bog ee uu maalintii si qumman u xifdin karo, tusaale maalintii 3 bog waad awooddaa ama 10 bog haddii uu itaalkaagu gaarsiisanyahay.
4. Wardigaaga maalinle ha ka tallaabsan:
Qofka xifdiga ku jira waxaa lagu la taliyaa in uusan ka tallaabsan meel uusan xifdin ilaa uu ku sugo oo uu ka soo dhalaalo.
5. In uu waqti galiyo:
Waxyaabaha qofka ka saacidaya xifdiga waxaa kamid ah in uu waqti badan galiyo wax xifdinta, haddii uu maalintii oo idil heli karo waa si wanaagsan, haddii uu sidoo kale heli karo 30 daqiiqo way ku filantahay kaliya waxa uu u baahan yahay jadwal hagaagsan in uu dejisto.
6. Fahamka aayadda:
Waxyaabaha xifdiga fura waxaa kamid ah in qofku dhuuxo micnaha dhabta ah ee aayadda, waxa uuna qofku awood u helayaa in uu isku xiro aayaddii hore iyo tan dambe.
7. Ha ka tallaabin suurad aadan si buuxda u xifdin:
Qofka wax xifdinaya waxaa la gudboon in uusan ka tallaabin suurad uusan isku xirin billowgeeda iyo dhammaadkeedaba.
8. Is maqashiin joogto ah:
Haddii aad xifdiga bilaabayso waxaa si weyn loogu taliyaa in ugu yaraan aad la billowdo qof kale oo kaa caawiya ama koox isku xiran haddii aad hesho waa muhiim.
Haddiise kaligaa aad xifdiga waddo waxaa lagama maarmaan ah in aad sare u qaaddo akhriska adigoo is maqashiinaya.
9. Ka faa’idayso sannadaha dahabiga ah:
Xilliga ay maskaxdu ugu xusuusta badan tahay waxaa lagu tilmaamaa marka uu qofku yar yahay ama da’diisu ay hoosayso, haddaba shan jir ilaa soddon iyo shan jir haddii aad tahay waxaa kuu fudud in aad wax xifdido.
Gunaanad:
Marba haddii aad wax xifdinayso waxa aan shaki ku jirin in aad la kulmi doonto caqabado iyo albaabo badan oo kaa xirma, dadka leh han sare iyo go’aan adag waxa ay u arkaan caqabadahaasi dersi ay wax ka bartaan halkii ay marmarsiinyo ka dhigan lahaayeen in xaaladdu ma xumaatay waxa ay abuuraan fursado kale oo ay dib isugu dhisayaan, naftoodana ku hormarinayaan, waxaa sidoo kale dhacda marar badan in dad mar xifdiyay qur’aanka ay muddo gaaban ku iloowaan dibna ay uga soo degaan halkii ay markii hore tageen.
Tixraac/ Reference
كتاب كيف تحفظ القرأن (مصطفي مراد)