You are currently viewing TAREENKII U DAMBEEYAY Qeybta (02)
TAREENKII U DAMBEEYAY Qeybta (02)

TAREENKII U DAMBEEYAY Qeybta (02)

TAREENKII U DAMBEEYAY Qeybta (02)

Horraantii 1993 kii ayay ku aqalgaleen tuulada Maandheere oo u dhow magaalada Jowhar, maalintan uu aroosku dhacayo tuulada oo idil ayaa laga dareemay qaabka lammaanahan loo galbinayo in uu aad uga duwanyahay aroosyadii ay yaqaaneen dadka tuulada.

Alalaas iyo durbaan ay mashaxaradi la socoto ayaa ka dhacay tuulada, arrinta ay la yaabeen dadka tuulada oo berrigaas ku cusbayd ayaa ah in gawaari labaatan ku dhow tiro ahaan tuulada ay soo galeen si ay u galbiyaan caruurska iyo caruusadda, waxaa intaas ka darnayd hadal-haynta ka dhalatay reerkan cusub iyo habka ay u aqalgaleen.

Caddaawe iyo Sareedo waa lammaanaha hadal-haynta abuuray ee is-calmaday, labadooduba waxa ay ku jiraan da’da labaatanaadka.

Dhowr bilood kahor Caddaawe oo kamid ah shaqaalaha UN-ka waxa uu Muqdisho kula kulmay Aw Macow oo ah aabbaha dhalay Sareedo. Waxa ay markii ugu horreysay isku arkeen makhaayadda Daarfuur oo ku taalla degmada Xamarweyne, siddeed nin oo meesha fadhiday marka laga reebo Caddaawe inta kale waxa ay ahaayeen odayo Afartanka madaxa la sii galay ama marhore sii dhaafay.

Koob shaah caddays ah ayaa nin walba hortiisa u yaalla, Daadir Buube nin la yiraahdo ayaa la wada dhuganayaa hadalkiisa, sheekada meesha ka socotay waxa ay ku saleysnayd soo galitaankii 1800  askari oo Maraykan ah kuwaas oo dabayaaqadii 1992 u soo galay Muqdisho hawlgalkii rejo soo celinta Soomaaliya.

Daadir waa sheeko-yaqaan si weyn loo maqlo, kolka uu hadlayo waxaa degganaan iyo aamusni laga dareemaa makhaayadda iyo hareeraheeda.

Waxaa isna jiray nin la yiraahdo Barkhad Geeddi oo aad u taageeri jiray hawlgalka isaga oo aaminsanaa in Soomaalidii dirirtu ka dhaxaysay ay u baahantahay ciidamo kala dhexgala, inkastoo dadka ugu badan ee makhaayadda yimaada ay u badnaayeen kuwo kala taageersan jabhadihii isku hasytay talada dalka.

Maalmaha isniinta iyo Khamiista ayuu badanaa Muqdisho iman jiray oday Macow, wixii khudaar iyo geed-mirood beertiisa uu ka helo ayuu ka keeni jiray tuulada Maandheere, waxaana ka iibsan jiray ganacsatada suuqa khudrada ka xamaalata, waxa uu aaminsanaa in muruqiisa uu maali karo halkii uu fariisan lahaa xero qaxooti; Dabcan waqtigaasi waxaa dalka kusoo batay xeryo barakacayaasha loogu talagalay, hay’adihii gargaarka ayaa meel kasta ku saaqay, bulshadii beeralayda ahayd intoodii caqliga lagu tuhmayay bilooyin kaddib beerahooda ayay u labarogteen, Aw Macow iyo gabadhiisa Sareedo waxa ay Iska kaashan jireen in ay soo saaraan biilka reerka.

Waa goor duhur ah oo kulka cadceedda aad mooddo sida in aad kaba la’aan lugaynayso lamadegaanka Kalahaari ee koonfur Afrika, Caddaawe oo laga dareemi karo in uu degdegsanyahay ayaa waxa uu Isha ku dhuftay oday Macow oo dhowr kiish ku raraya gaari nooca xaaji khamsiinta ay soomaalidu u taqaano, waxaase degdeggii Caddaawe joojiyay muuqaalka gabar uu ka caajisay in uu tilmaan ka bixiyo! Mararka qaar waxa indhahaagu qabtaan ayuu carrabku ka caajisaa in uu sifeeyo, bidhaanta habboon iyo bilicda Eebbe ku mannaystay Sareedo Aw Macow ayaa la moodaa dayax iftiinkii ka batay oo afar iyo toban ku beegan.

– Salaamu calaykum Aw Macow? Ayuu ku bilaabay ninkii Caddaawe ahaa oo xishood laga akhrisan karo wajigiisa.

– Wa calaykum salaam… Igaarkay Caddaawe… See la yahay?

– Fiican adeer… Ii waran, reerka sidee lagu ahaa?

– Waa raayaa igaarkay.. gabadhayda Sareedo ayaa ila socota maanta oo garab I siinaysa.

– Maasha Allah adeer Macow goormaad baxaysaa?

– khudbada jimcaha kaddib gaariga wuu dhaqaaqayaa.

–  alaabta haddii aan kula sii raro ka waran Adeer Macow?

–  Eebbe ha ku barakeeyo maandhow.. aniga iyo gabartayda waan ku filanahay labadan jawaan ee haray.

–  Haye adeer, marar kale ayaan is arkaynaa..

–  idan Alle wiilkaygiyow.

Caddaawe midabkiisu waa casaan xigeen ku laran madow aan badnayn, waxa uu ku dhashay midab cas oo aad mooddo igaar carbeed oo koonfurta Yaman ka soo jeeda, waanay ahayd oo abtiyaashiisa ayaa reer Cadan ahaa oo muddo ayuu Cadan ku soo noolaaday.

Markii uu galay masjidka ayay maskaxdiisu billowday shaqo cusub iyo feker aan joogsi lahayn.

Aw Macow miyuuu ahaa qofkii aan hadda dhow soo agmaray? Armaan riyoonayaa oo wuxuba yihiin riyo maalmeed? Ma dhici karto niyow… Gabadhan in Aw Macow uu dhalay haddaan ogaan lahaa berri hore baan odayga u dhawaan lahaa… Iyo hadallo kale ayuu maskaxda ka yiri, wuxuuse ka warhelay khadiibkii masjidka oo ka faraxashay khudbadda koowaad ee jimcaha, inta uu dhowr goor “Astaqfirullaah” hoos u yiri ayuu maankiisa soo celiyay.

Kolkii laga soo baxay salaadda ayuu Caddaawe toos u soo abbaaray gurigiisa, isaga oo Iska indhatiray saaxibadii oo ay mar waliba ku shaahi jireen makhaayadda Galool Café oo fadhi u ahayd dhallinta jeebkoodu roonyahay.

Waxa uu isku sii daayay qolkiisa isaga oo dareemaya daal ! Dabcan maskaxda ayuu ka dareemayay oo su’aalo maskaxdiisu qaadi kari wayday ayuu la ciirciirayaa, mar waxa uu istusay in uu ka dabatago odayga oo uu ku maqlay in uu deggan yahay tuulo Jowhar u dhow, “ Fudaydka intaas le’eg maxaa kuu geystay niyow” ayuu isugu jawaabay haddana, bal horta ha yimaado makhaayaddii Daarfuur anigaa qorshe ka yeelanaya arrintani.

Tilifoon guriga ku rakiban ayuu gariir ka maqlay Caddaawe, waa madaxa shaqaalaha UN-ka ee Muqdisho oo ku amraya Caddaawe iyo shaqaalaha kale ee UN-ka in aysan tegin goobaha bulshada isugu timaado, kolkii uu weydiiyay sababta ayaa loogu sheegay xaalad amni.

Waqtigaasi waxaa Muqdisho ka billowday isku dhacyo u dhaxeeyay Ciidamadii Unsom2 oo ka socday qaramada midoobay iyo qaar kamid ah jabhadihii dalka. Caddaawe inta uu Iska dhegatiray digniintaas la siiyay ayuu isku sii daayay makhaayaddii Daarfuur isaga oo xamaasadaysan.

Maalintu waa isniin oo waxaa makhaayadda imanaya oday Macow iyo dad badan oo maalintaas uun la arko, sidii caadada ahayd Daadir Buube oo ahaa ninka sida BBC-da looga dhagaysto makhaayadda waxa uu gudagalay sheekadii lagu yaqiinay, inta uusan wax buuran sheegin ayaa halmar lagu baraarugay xabado ka socda dhabarka dambe ee makhaayadda… daqiiqad gudaheeda ayay makhaayddii isu beddeshay goob laga cararay…….

La soco qaybta 3aad…..

ka akhriso qeybtihii hore uu ku dhaafey

Leave a Reply