CAADOOYIN GARAADKAAGA DHISAYA | 12 QODOB OO MUHIIM AH
Marka laga hadlayo maskaxda iyo shaqooyinka ay qabato waxaa lagu tilmaamaa in ay qofku ka saacido in uu wax qorshaysto, wax lafa-guro, wax xifdiyo, waxbarto, macluumaad iyo afkaar uu kororsado, waxa ayna maskaxdu awoodaa in ay la qabsato duruufaha iyo waayaha nololeed, sidoo kalena ay wax ka barato khaladaadkii ka dhacay iyo caqabadihii uu la kulmay, intaas oo idil waxa ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin hagaajinta xiriirka bulshada iyo fahamka dadka kale, sidoo kale dhisidda xiriiro toosan oo u gogol-xaaraya sii jirista iyo koboca maskaxda iyo koboceeda, haddana waxaa jira dhowr arrimood oo caqliga saamayn ku leh sida arrimo deegaanka uu kala kulmo qofka gaar ahaan inta uu yaryahay ama kolka uu qaangaar noqdo.Caqligu waxaa lagu tilmaamaa in uusan ahayn sife meel ku eg, oo ay dhici karto in uu isbeddelo marar badan; waxaana isbeddelkaas aabbe u ah caadooyinka iyo habdhaqanka aynu leenahay.
Maqaalkan waxaan kuugu soo gudbin doonaa caadooyin dhowr ah oo aad maalintii la sameeyo, kuwaas oo kaa saacidaya sare u qaadidda garaadkaaga iyo caqligaagaba.
12 caado oo garaadkaaga sare u qaadaya
Caadooyinka soo socda waa kuwo si togan (positive) u horumarin doonaa garaadkaaga:1. SAMAYNTA JIMICSI:
Jimicsiga waxa ay dad badan ka aaminsanyihiin in uu yahay oo kaliya miisaan dhimid, murqo dhisid iyo in qofka uu helo jir xooggan oo is haysta, balse isboortigu intaas kuma eka waxtarkiisa.Baaritaanno badan oo laga sameeyay raadka isboortigu ku leeyahay jirka ayaa qaarkood tilmaamaya in jimicsiga uu kaalin ku leeyahay in uu hagaajiyo wareegga dhiigga iyo in jirku helo ogsijiin iyo biyo ku filan, sidoo kale waxa ay door ku leedahay kordhinta unugyada dareen ee maskaxda, waxaana ka dhasha in qofkaasi u hagaago fahamkiisa, diiraddiisa, xusuustiisa iyo wax curintiisa.
Laga bilaabo saacaddan waxaad u baahantahay in aad waqti u jaangoyso maalin kasta samaynta isboortiga iyo jimicsiga, muhiim ma aha in aad tagto goobaha loogu talagalay sida Jiimka, iyo meelaha kubadda, waxaa kaaga filan in aad socoto ama guclayso/oroddo ama xitaa guriga aad ku samayso jimicsi yara fudud.2. CUNTO DHEELITIRAN OO CAAFIMAADKA U ROON:
Cuntooyinka caafimaadka u habboon waxa ay wax badan ka tartaa in uu hagaago caafimaadka jirka iyo kan maskaxdaba, maskaxda bani aadamka waxa ay u baahantahay wax ay tamar ka hesho si ay shaqadeeda u gudato, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in cuntadaadu ay lahaato fitamiino kala duwan, tusaale vitamin b12 waxa uu muhiim u tahay samaynta unugyada cas cas ee dhiiga iyo hawlaha dareen-wadka, waxaana laga heli karaa ukunta, hilibka iyo wixii la halmaala, fitamiinadu waxa ay waxbadan ka taraan xusuusta qofka iyo in daalka badan uu ka baaqsado.3. JOOGTAYNTA AKHRISKA
Si maskaxdaada u kobacdo waxaa muhiim ah in akhriska aad ka dhigato qayb laxaad leh oo maalintaada kamid ah, akhrisku uma baahna in aad waqti badan u jaan-goyso, nus saac ayaa kugu filan maalintii in aad akhrido cutub kamid ah buug ama xilliga nasashada aad qabto ayaad wax akhrin kartaa, waxa ayna kaa caawinaysaa in aad in badan horumariso maskaxdaada.Akhrisku waa hannaanka ugu mudan uguna fudud ee lagu hagaajin karo caafimaadka maskaxda, sidoo kalena waxa ay sare u qaadaa heerka caqliga uu marayo, waxa ayna yaraysaa warwarka iyo cadaadiska nafeed ee uu qofku la kulmo, waxa ay qofku ka soo saartaa jawigii rootiinka ee maalinlaha, waxa ayna gaysaa duni kale oo feker, baaris, iyo sawirasho ah, noocyada buugtu way kala duwanyihiin mid kastana waxaa ku duugan faa’idooyin gaar ah oo maskaxda korinaya, waxaase intaa ka muhiimsan in buugga yahay mid cajab galiya akhristaha.
4. HURDO KUGU FILANHurdo badnaantu waxay la jaar tahay hurdo yarida, waxa ayna maskaxda gelin kartaa xaalad aamus ah oo saamayn ku reebta fahamka iyo garashada qofka, waxa ayna sababtaa mashaakil xagga maskaxda ah.
Sida ay tibaaxeen diraasado badan oo la sameeyay waxa uu qofku u baahan yahay saacado ilaa 7 ah oo hurdo habeenkii, haddii aad u baahantahay in aad lahaato maskax soo jeedda fahamkeedu wanaagsanyahay hurdadaadu waa kuu muhiim.5. MAARAYNTA MASHQUULKA
In badan oo inaga mid ah baa ka sheeganaya daal badan iyo mashquul in ay ka hortaaganyihiin hawlo badan oo ay qabsan lahaayeen.Way adagtahay in qofku lahaado diirad saarid isaga oo dareemaya daal, innaga oo og in shaqadu ay muhiim u tahay baahiyaheenna oo aynan ka maarmin; haddana waxaa lagama maarmaan ah in aynu nidaamino waqtigeenna iyo in aynu lahaano kala mudnaan iyo kala horraysiin, kolkaas waxaad ka baaqsan doontaa cadaadiska nafeed iyo walbahaarka gudeed. Nidaaminta waqtiga waxa ay kaa saacidaysaa in aad caqli qumman ku fekerto, in ay korodho diiraddaada iyo xifigaaga, kolkaas waxaa si aayar ah sare ugu kacaya garaadkaaga.
6.XOOJI GARAADKAAGA SOO KORAYAShakhsiyaadka maskaxdu taagantahay ee aan wali geeddiga dhaqaaqa u diyaargadoobin way adagtahay in si fudud loo xoojiyo, caqliyaddaada waxa ay ku kortaa in ay oggolaato dadka kale, dhegaysato aragtiyahooda iyo sida ay wax u arkaan, sidoo kale uu wax ka barto khaladaadka dadka kale, waa inaad wajahdaa caqabadaha iyo loollanada kaa horyimaada adigoon wax cabsi ah dareemin, tijaabo kasta waxa ay kugu kordhisaa khibrad iyo fikrado cusub, si kasta oo ay da’daadu tahay marnaba ha joojin in aad wax cusub barato.
6. U FIIRSASHO:Maalin kasta waxa aynu la kulannaa waxyaabo quus noo horseeda iyo arrimo maskaxdeenna culays weyn ku keena, baro in aad wax uun xoogga saarto oo aad isweydiiso wixii ka dhashay.
Naftaada waxa ay u baahantahay in maalin kasta ay si gaar ah u fariisato oo ay ka fekerto waxa nagu hareeraysan ee makhluuqaadka ilaahey ah, u fiirso awoodda Allihii abuuray samaawaadka iyo arlada iyo inta ku dhexnool, u fiirso noloshaada, wixii kuu qabsoomay, wixii kaa khaldamay iyo asbaabta, dhegayso naftaada iyo waxa ay kuu sheegayso, sababtoo ah naftaadu xaq bay kugu leedahay marar badan.7. KU DADAAL SHAQADA MASKAXDA
Shaqada maskaxda ay qabato kama muhiimad yara tan uu jirku qabto, waxa ayna qayb ka tahay sare u qaadista garaadkaaga, shaqada maskaxda waxa ay kobcisaa awoodda feker, lafa-gur waxbarasho iyo xususba, sidaa awgeed waxaa lagu taliyaa in qofku in badan isku dayo shaqooyinka maskaxda u baahan sida in 30 daqiiqo oo kale la qabto hawl maskaxda u baahan, tusaale ciyaarta chess, xarfaha maqan, iyo halxiraalayaal kale oo muhiim ah.8. MADADAALO IYO FAAKIHAYSI YAR WAA MUHIIM
Madadaaladu waxa ay kaalin mug leh ka qaadanaysaa in ay dejiso xaaladda maskaxeed ee qofka, waxa ayna ka saacidaysaa in qofku lahaado diirad, iyo feker dhab ah, madadaaladu waxa ah kaa tirtirtaa daalka iyo welwelka badan, doraasad ay samaysay jaamacadda Luma Linda waxa ay tilmaantay in qosolku uga dhiganyahay maskaxda sida jimicsi ay wax badan ka dheefto oo kale.9. KA AG-DHAWAANSHAHA DAD GARAADKOODU SARREEYO
Waxa aan shaki ku jirin in saamayn kugu leeyihiin dadka kugu xeeran ee aad la dhaqanto waqtiga ugu badan na aad la qaadato, ha ahaadeen saaxiibada shaqada, kuwa xaafadda, ama xitaa xubnaha qoyskaaga.Sidaa darteed waa muhiim in aad u dhug lahaato dadka aad saaxiibo ka dhiganayso iyo kuwa aan jeclayn in wax horumar ah la sameeyo. Saaxiibada kuugu dhow waa kuwa xamaasad u qaba in ay wax cusub tijaabiyaan, nolosha iska fadhigana ka jecel on ay horumariyaan hibadooda iyo xirfaddooda.
Saaxiibka garaadka lihi waxa uu kaalin ku leeyahay horumarinta xirfadahaaga, waxa uuna kugu kordhin karaa macluumaad badan oo wax kuu tara.10. BARO LUUQAD CUSUB
Dadka intooda ugu badan waxa ay luuqad cusub u bartaan in ay safraan, ama shaqo luuqaddaas looga baahanyahay darteed u bartaan, balse haddii aad rabto in aad sare u qaaddo heerka garaadkaaga, waa in aad barataa luuqad cusub oo aad iska jeclaatay, luuqaddasi cusub waxa ay kuu sahlaysaa in aad barato dhaqan iyo saqaafo bulsho kaa maqnayd, sidoo kale waxa aad dareemaysaa in garaadkaaga uu sii kobcayo.11. KA FAA’IDAYSO WAQTIGA KHADKA KAAGA BAXA
Waxa aynu horay u soo tibaaxnay in aynu u baahan nahay ciyaaro maskaxda koriya, akhris, barashada luuqad cusub iyo la xiriirka dad garaadkoodu sarreeyo, intaasna waxaa laga heli karayaa internetka, inta aad waqti badan ku qaadan lahayd meelo aan muhiim ahayn waxaad kaga faa’idaysan kartaa mowduucyo faa’ido kuu leh oo sare u qaadaya garaadkaaga.Tixraac
*Jessica stillman [Daily habits that will actually make you smarter]*Times of India[ Simple habits that raise your o intelligence to the highest level]