TAREENKII U DAMBEEYAY
Qaybta 1aad
Xusuustiisu kama go’do maalintii uu cagta la helay gaari u socday Suudaan si uu Liibiya u gaaro, halkaasna uu uga tallaabo Yurub.
Afar dhallinyaro ah ayay ahaayeen kolkii ay Addisababa kasoo raaceen gaari madow oo kala jiidan, kaas oo muusiga ka baxaya aad mooddo Hotel Curuubo oo aroos ku qabsanaya sarkaal sare oo ka tirsan dowladdii kacaanka.
Laba toddobaad kahor, habeen Khamiis sii tegayso jimcena aan wali raadkiisu muuqan ayuu ka warhelay Talefoonkiisa oo gariiraya, waa lambar uu aad u garanayo qofkiisa oo marar badan laga la soo hadlay.
-Haloow…
Haa…Xareed waa saaxiibkaa Haybe.
-Libaax… see tahay isbuucan ma aynaan wada hadal, warkaaga keen.
-Saaxiib nabad baan sheegay… waan degdegsanahay kow dheh…
-Haye..
Inta uu neeftii dib u liqay ayuu hadalkii dib u bilaabay.
-Xareedow Jowhar baa la iga soo wacay kow dheh..
-Haye.. reerihii maxaa laga sheegay iyo beerihii?
-Beer ha kuu dambaysee… war dhiillo ah baa la ii soo sheegay…!
-Bissinka… Kheyr sheeg saaxiibow…
– Awowgaa Aw macow waa xijaabtay saaxiib.. Alle ha u naxriisto.
– Maxaa tiri Haybe… niyow waxaas miyaa lagu kaftamaa haddana….?
– War kaftan ma ahan waa dhab… Haloow.
Talefoonkii uu dhegta ku hayey ayuu hal mar sariirta ku hubsaday xareed, waxa uuna soo abbaaray xafiiska arrimaha ardayda ee dugsigiisa.
Dugsiga waxa uu ku yaallaa xero qaxootigu deggan yahay oo ku taalla magaalada Milano ee dalka Taliyaaniga, waxa uu codsaday in si degdeg ah loogu waco Soomaaliya oo war aan dhegaha u wacnayn loogu sheegay, kolkii uu hubsaday in arrinku dhab yahay waxa uu dareemay in dhulku la wareegay, tiir uusan filanayn ayaa ka dumay.
*************
Oday Macow waa aabbaha dhalay Sareedo oo ah Xareed Hooyadii. Waxa uu ahaa waayo-joog wax badan u soo joogay dalka, waxa uu ahaa nin beeraley ah oo deegaanka laga jecelyahay.
Marar badan ayuu Xareed uga sheekeeyay taariikhda dalka. Xareed si weyn ayuu u la riyaaqi jiray dhacdooyinka uu Awowgii uga sheekay n jiray, gaar ahaan kolka uu uga warramayo waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo ahayd dhabbo uu tareenku maro.
-Igaarkaygow jidka tareenka dhismihiisa waxa uu bilowday tommon iyo afartii markii uu bilowday dagaal weynihii koowaad ee adduunka, dhererka waddan waxaa lagu qiyaasaa 113km. Waxa ay ahayd waddo aad u weyn oo si weyn loo jeclaa.
– Awoowe, intee ku dambaysay waddada oo yaa dumiyay birihiina ka qaatay?
– Xareedow igaarkaygow waxaan kuu sheegaa in aan anigu kamid ahaa dadkii saarnaa tareenkii u dambeeyay ee waddadan mara..
– Haye… meeqa jir aa ahayd markaas awoowe?
– siddeed jir baan ku qiyaasayaa in aan ahaa waqtigaas.. laakiin markii lagu jiray dagaalkii labaad ee adduunka, oo Taliyaaniga iyo xulafadiisa laga adkaaday, waxaa lagu xujeeyay in ay ka baxaan meelihii uu Taliyaanigu joogay, koonfurta Soomaaliya ayaa meelahaas kamid ahayd meelihii ingiriisku soo galay… Tareenka warkiisa waqtigaas baa noogu dambaysay igaarkaygow.
Geerida Aw Macow waxaa Xareed kaga darnaa in uu ballan ka qaaday in uu xajka gayn doono maalin uun.
Balse ballantii waxay u la muuqatay in halkaas ay ku dhammaatay.
Markii ugu dambaysay ee ay wada hadlaan Aw mayow iyo Xareed waxa ay ahayd intii uu Xareed ku sugnaa Addis Ababa, kolkaas oo uu aad u la dardaarmy.
“ Xareedow… Igaarkay waan kula talinayaa haddaad dhego wax maqla aad leedahay, anigu da’ iima harin oo toddobaatanka kor ayaan u dhaafay,nolol magaalo iyo mid baadiye intuba waan soo arkay, Xoolo-raacid iyo beer falid la iigama sheekaynayo oo waan ka barmoosay, nolol aabbenimo mid adeernino iyo mid awoowenino intuba waan kala garanayaa, diin iyo maaddi Ilaahey wuu I baray, oo abtigay Shiikh Calas baa dadaal ku bixiyay in aan wax barto inta aan yaraa, talada ugu weyn ee aan ku siin karo waxa ay tahay ku dadaal in aad xoojiso xiriirka adiga iyo rabbigaa, iyo in aad same ku la dhaqanto bulshada”…
Muddo saacad ka badan ayay ku wada hadlayeen Talefoonka Samiira oo Internet lahaa guriga oo dhan.
La soco qaybta 2aad.
*******************