NICMADA ARAGGA ( Qiso dhab ah)
Uunka uu Rabbi abuuray waxa uu u qaabeeya sida uu qaddaro Alle weyne sw, mar waxa uu abuuraa qof aragga la’ markale waxa uu abuuraa qof maqalka la’ waxa uu sidoo kale abuuraa qof labada ay u dhamaystiran yihiin ama labadaba ay ka maqanyihiin. Waa abuuraha samaawaadka, arlada iyo inta ku noolba.
Haddaba ninka sheekadeenna ay ku socoto waxa uu dhashay isaga oo indhaha la’ oo aan arkayn iftiinka dunida,markii koowaad ee uu dunida ku soo biiray waxa uu la kowsaday indhoolenimo, nolol adag ayuu ku indhaqaaday, waxa uu ku dhexjiray reer dadka oo idil ay isaga ka duwanyihiin, wiil yar oo aragga naafo ka ah ayuu kusoo hanaqaaday markii dambe.
Yaraantiisa ilaa barbaarkiisa waxa uu ahaa qof aragga la’ waxa uu Iskala noolaa bulshada, waxa uu markasta bulshada ka dareemayey culays iyo in si gaar ah loo la dhaqmo isaga. Haddana waxa uu ku khasbanaaday in uu wax kasta ku garto taabasho, waxyaabo badan ayuu ku gartaa in uu taabto kaliya ama codkooda uu maqlo.
Markii ay da’diisu marayso soddonka waxa uu fursad u helay in lagu sameeyo qalliin indhaha ah si loogu fiiqo indhaha, waxaa la geeyey isbitaalka si qalliinka loogu sameeyo, muddo kaddib dhakhtarkii ayaa uu yimid, waxa uuna ka furay tolmadii, intaa kaddib waxa uu ninkii furay indhihiisa si uu uu arko dunida markii ugu horeeysay noloshiisa, ( waa xaalad naadir ah dareenka qof indha la’aan ku dhashay oo markii ugu horaysay adduunka arkaya).
Falcelintiisu waxa ay noqotay in uu la fajaco wixii uu arkay,wuuna kala sooci waayey, sababtoo ah laga soo bilaabo ilaa yaraantiisii waxa uu ahaa nin aragga la’ oo wax kasta taabasho ku garta, tufaaxa waxa uu ku garan karay oo kaliya taabasho, midabyada in uu kala yaqaano iskaba daa, xitaa qaabka dadku ay yihiin ayuusan aqoonba, waxaa intaa ka darran in uu san aqoon shay u dhow iyo mid ka fog… Arrimahani waxaa garan Kara oo kaliya qofka wax arka..
Maskaxdiisa waxa ay in muddo ahba ku shaqaynaysay taabasho, ma jirin xiriir ka dhaxeeyay indhihiisa iyo maskaxdiisa, Dhowr isbuuc markii laga joogo qalliinka waxa uu sii ahaa nin aan wax kala saari karayn, wax wuu arkaa haddana ma fahmi karayo wixii uu arko, intaa kaddib waxa uu si aayar ah u la qabsaday in uu waxyaabaha qaar garto, tufaax ayuu arkaa mana garanayo waxa uu yahay ilaa uu taabto, kolkaas buu gartaa, waxa uu sidaas isugu xiray wixii uu arko iyo wixi gacmihiisu taabtaan,muddo bilooyin ah ayuu noloshaasi ku jiray, maadaama uu san ahayn markii hore ahayn qof wax arkaya sida dadka kale waxa uu u fiirsaday waxyaabo badan oo aan dadka caadiga ahayn u fiirsan.
Waxa uu u fiirsaday qofka wanaagsan wajigiisa iyo uursamidiisa,sidoo kale waxa uu arkay dadka dabandaabada badan iyo astaamaha lagu garto oo ay leeyihiin iyo beenta, waana arrimo aan in badan u fiirsan dadka caadiga ah( marka laga reebo dadka fiirada dheer leh).
Fiiro-dheerida laga hadlayo in aad fahantay baan filayaa, waa in aad awood u yeelataa in aad qof wajigiisa ka garato waxa uu maagan yahay. Qaar kamid ah sanadkii wanaagsanaa ee ummaddani ayaa la sheegaa in qofka dambiga galay ay ka garan jireen wajigiisa!.
Sheekada aynu u soo laabano markale, ninkii araggiisa u hagaagay waxa uu bilaabay in uu arko waxyaabo aanay arag dadka caadiga ah ama qiimo sidaas u weyn ugu gaadhin, sida gabbal dhaca, qorrax soo baxa, waxa uu la ashqaraari jiray oohinta ilmaha yar ee aan wax kala ogayn, waxa uu sidoo kale ku raaxaysan jiray muuqaalka shimbiraha duulaya hawada sare.
Bilooyin kaddib waxa uu isku arkay arrin qariib la noqotay oo markii ugu horeysay uu la kulmay, arrintu waxa ay ahayd in aragga uu mugdi ka galay.. daqiiqado kadibna sidoodii bay ku soo laabteen.
Sheekadii dhowr goor oo dambe ayay kusoo laalaabatay isaga waxa uuna dareemay in wax ay si yihiin. Arrintii marka uu arkay in ay kasii daraysimo ayuu gartay in uu u baahanyahay dhahtarka in uu wax weydiiyo, dhakhtarkii ayaa ku bilaabay baaritaan waxa uuna runta dhigay hortiisa, waxa uu dhakhtarkii yiri: waxa aan aad iyo aad uga xumahay in aan kuu sheego in mushkiladdu indhahaadu ay soo laabteen, muddo bilo gudahoodana waxaad waayi doontaa araggaaga sidii hore aad u la’ayd oo kale.
Waa dareen kale marka uu qof aragga dhawaan la qabsaday lagu yiraahdo araggaaga ayaad Dib u waayi doontaa ..
Sidii dhakhtarku sheegay maalmo kadib waxa uu ninkii waayey araggiisa, mar labaad ayuu camoole noqday lasiin markii uu la qabsaday aragga Aduunka iyo muuqaalkiisa cajiibka aha.
MAXAY KAAGA DHIGNAYD TIJAABADANI?
Ninkaas mar la waydiiyay in uu hal kalmad kusoo koobi wixii uu ka sheegay intii araggiisa wacnaa waxa uu ku jawaabay weer u dhiganta “ indhooluhu ma aha kan aan waxba arkin, waxa se indhoole lagu tilmaami karaa qof aan dareemi karayn wixii uu arko, maskaxdiisuna aanay taxliilin karin, waa qof aan qalbiga wax aka arag, halka qaar camoolayaasja kamid ah la sheego in qalbiga ay wax ka dareemaan.
Nicmada aragga heerka ay gaarsiisan tahay waxaa dareemi kara waa qof ku dhashay camoolenimo ama isaga oo yar araggiisu waayay, qofkaas waxa ugu weyn ee dunida uu ka dooran lahaa waxa ay noqon lahayd in araggiisa uu helo oo uu arko sida ay u egyihiin dadka maalin kasta uu hadalkooda maqlo, waana sababta keentay in aysan isku mid noqon sida ay dunida u arkaan dadka horay araggooda u qabay iyo dadka dib dambe araggooda u furmay.
Nicmadan ballaaran ee uu Rabbi noogu deeqay waxa ay u muuqataa in maanta aan laga faaidaysan oo la dayacay.
Dhallinyaro badan oo waqti helaya oo araggoodu qabaan baa nicmadaas dayacay maanta oo wax ku baran waayey.
Dad badan baa maanta qaba haddii ay aragga heli lahaayeen in ay ku baran lahaayeen Cilmi iyo aqoon, hankooda ayaa heerkaas maraya oo iyaga oo indhaha la’ ayay xitaa wax bartaan.
Nimcadani dadkii ka faa’idaystay waa kuwii wax kusoo kordhiyay dunida aqoon ama alaadba, waa ibnu Khaldun oo daahfuray cilmi bulsheedka, waa Niyuutoon oo cuf isjiidadka bud-dhigay, waa tomas edison oo layrka aan habeenkii shidano soo saaray, waa ibnu Rushdi oo falsafadda lagaga dambeeyo, waa Mahatir Maxamed oo Malaysiya ka dhigay mid kamid ah dalalka dunida ugu hodansan, isaga oo markii hore kasoo raray meel aad u hooseeya.
Dad badan oo aragga la’ ayaa jira oo taariikhda galay kuwaas oo dunida wax uun ku soo kordhiyay aragtina ha ahaato e.
Hellen Keller ayaa kamid ah dadkaasi waxa ayna buuggeeda la yiraahdo ( Haddii araggayga heli lahaa 3 maalmood uun) ku sheegtay in dad badan ay ka dhoohanyihiin nicmada aragga ee ay haystaan, waxa ayna arrintaas ku sababaysay in dadku aanay u fiirsan nolosha iyo noolaha.
NUXURKA SHEEKADA
Aayad Qur’aanka kariimka ah waxa ay leedahay ( aragga lama beelo e, waxaa la beelaa oo la waayaa quluubta wax weelaysa ee wax aragta.
Nicmada aragga waxa ay kamid yahay nicmooyinka waaweyn ee uu Allaah nagu manaystay, waxaana nala gudboon in aynu Rabbi uga shukrino xilliga sujuudda iyo xilliyada kaleba.
Qisadani waxaa laga soo dheehday filim caan ah oo la yiraahdo “ at first sight” filimkani waxa uu qaadadhigayaa qiso dhab ah oo ka dhacday dalka mareykanka.
Xigasho
*Axmed shuqayri buuggiisa Fikradaha dhallinyarada.
*لو ابصرت ثلاثة ايام.. هيلين كيلير