You are currently viewing MUHIIMADDA NOLOSHA (xikmado cajiib ah)
MUHIIMADDA NOLOSHA (xikmado cajiib ah)

MUHIIMADDA NOLOSHA (xikmado cajiib ah)

MUHIIMADDA NOLOSHA (xikmado cajiib ah)

Marna muhiim ma aha in aad dagaal ku guuldysato, waxaase muhiim ah in aad garatay cadowgaaga, taasina waxaa kasii muhiimsan in aad khibrad ka kororsatay qorshaha iyo taatikada cadowgaaga, waa shay aan waxba la siisan karayn.

Muhiim ma aha in aad markasta hadafkaaga ka gungaarto, waxaa muhiim ah in aad isku day samaysay, oo naftaada iyo khaladaadkaagaba aad garatay, sidoo kale aad dersi wanaagsan ka qaadatay meelaha gaabis kaaga jira iyo meelaha aad u liidato, tallaabada xigta haddaad intaasiba garatay waxa aan shaki ku jirin in aad guul gaarayso Eebbe idankii.

Wax badan ma tarto in aad leedahay caqli weyn, waxaase ka muhiimsan in aad garato habka cilmiyeed ee maskaxdaadu u dhisantahay una shaqayso, habka ay maskaxdu u samaysantahay garashadeeda ayaa intuba ka muhiimsan.

Muhiim ma aha in aad ku hadasho wax nolosha faa’ido u leh, balse waxaa muhiim ah oo lamahuraan ah in hadalkaagu noqdo mid saxan oo faa’ido iyo raadba ka taga, waa la hadlay adiguna hadal wax ma tarto, balse hadal wax laga dheefi kara oo dadkana saamayn ku reeba waxaa lagu sheegaa nooc hoggaaminta ka mid ah.

Muhiim ma aha in aad ku noolaato rejo dhalanteed ah, balse waxaa muhiim ah in aad dadka ku la noolaato is fahan, dadka iskala noolow haddii ay kaa noqoto iyaduna waa habaar, balse in aad dadka la noolaato adiga oo hiigsanaya hadafyo waaweyn waxa ay tusinaysaa in noloshaadu ay ka maarantay waxyaabaha micna-darrada ah.

Muhiim ma aha in aad u cararto la kulanka dadka, waxaase muhiim ah in aad marar badan naftaada ka kaliyooto si aad u quudiso doonistaada ruuxiga iyo tan fekerkaba, horumar ha sugin inta ay labadaasi kaa maqan yihiin.

Muhiim ma aha in aad ku guuleysato qofka aad jeceshahay, waxaase muhiim in aad garato sidee? Goortee? Tani waa farqiga u dhaxeeya qaangaarnimo iyo da’yarnimo.

Muhiim ma aha in qiimahaaga aad ka garato khalqiga dhexdooda, waxaase muhiim ah in aad sare u qaado qiimaha aad bulshada dhexdeeda ku leedahay adigoo dedaalaya, kaddib Alle talasaaro oo ha ka sugin in ay qiimaha kuu sheegaan iyaga.

Qof kasta oo insaanka kamid ah waa muhiim, balse dadka qaar uun baa intaas garta, qaarkoodna ma yaqaanaan, wuxuuba u arkaa in aanay qaddarin siin oo ay hoos u dhigayaan jiritaankiisa, dadka waxaa kamid ah qaar raaligelinta aadanaha ka raadiya in ay meel sare ku gaaraan, waxayna iloowaan Allihii sarreeyay ee kor ahaa, dadka qaar baa meel kasta ka raadiya in ay noqdaan xiddigo la yaqaano, balse ma oga in xiddiguhu ay jiraan samada ee aanay arlada oolin.

Waxaa muhiim ah in aad qof kula saaxiibto hankiisa sare iyo fekerkiisa, laakiin aadan ku koobin hawsha idinka dhaxaysa kaliya, ama magaca uu bulshada ku dhex leeyahay, ama aadan faa’ido gaar ah ku qabin, bani aadamkimu waa sida macdanta oo kale, kuwii waayihii jaahiliyada bulshada indhaha u ahaa ayaa marka islaamku yimidna indho u noqon doona, waa haddii la helo shardi, kaas oo ah in ay bartaan kuna dhaqmaan diinta iyo in ay nolosha ku dabbaqaan, dadkana waligaa ha ka quusan, oo qaar aan daal aqoon baa ku jira, qaar hankoodu sarreeyo baa jira, qaar kufa oo kaca baa jira, kani waa waaqica jira.

Sidaa awgeed, waxaa waajib ah in aynu waaqica la soconno marka la eego majaalkan, innagoon kusii dhalaalin waaqica si aynaan u iloowin Farriinta aynu ka leenahay nolosha, iyo halka geeddigu u socdo.

Waxaa qoray (Carabi): Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir

Waxaa tarjumay(Afsoomaali): Cabdiraxmaan Caqiil

Tixraac

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=pfbid0JEHJwHCszJZKAEVyWACKwftrJbjJ5nSL3Tw4qBHFnAYGR2qHL6MKXq2kqhTJUGmml&id=100044384437838&mibextid=Nif5oz

Leave a Reply