HALGANKII MOWLIID (Qiso)
Waa bartamihii 2006, qaybo badan oo kamid ah dalka waxaa ka taagan xasarad iyo colaad ay dhibaato kasoo gaartay bulshada soomaaliyeed.
Waa caasimadda Muqdisho oo dhowr iyo toban gu’ uu ka maqanyahay nidaamka dowladeed ee ka jiray, aroor kasta waxa ay dadku ku soo toosaan xaalad kale oo aan wacnayan.
Mowliid waa wiil dhallinyaro ah oo reerkiisu degganyihiin degmada Xamar jajab ee muqdisho, waa reer ka kooban 4 hablood iyo 3 wiil oo uu mowliid afar ku yahay, reerka waxaa aabbe ka ah Xaaji Liibaan Cali oo kamid ah odayaasha xaafadda lagu qaddariyo marka ay timaado arrimaha diinta iyo dhaqanka, Xaaskiisa ay Duniyo waxa ay ahayd islaan da’da kontonka ku sii socota oo waayo-joog ah.
Mowliid oo reerka u weynaa waxa uu waxbarashada aasaasiga ka bilaabay dugsi Qur’aan ku yaallay Xamar jajab isaga oo toddobo jir ah, marka la joogo dugsiga waxa uu mowliid ku jiray ardada dadaalka badan ee casharkooda ka adag, xilliga subaca lagu jiro ardada dugsiga waxa ay isku hirdin jireen in ay xigsadaan halka uu Mowliid fadhiyo si uu ugu sheego aayaddii ay qaadan lahaayeen.
Macallin Jamaal muddo toban sanno ku dhow ayuu fadhiyaa dugsigan, waxa uu soo saaray arday kala heer ah oo qaarkood imaam ka noqday masaajidda kaddib markii la mahdiyay.
Maalin iyada oo uu socday subaca dugsiga, macallin Jamaalna ay ka muuqatay caro farabadan waxa uu maalintaa ku talagalay ardaygii subaca gafa in uu dhangad(ul) la dhaco oo aan naxariis u muujin.
Mowliid waxaa hareer-fadhiday Muno Jaamac oo kamid ahayd hablaha dugsiga ka tilmaaman aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaanba.
Kol ay wada aamuseen ardayda ayuu ka warhelay mowliid iyada oo Muno garan la’ aayaddii ay qaadan lahayd, waxa uuna ogyahay haddii ay gafto in ay la kulmi doonto ciqaab adag.
Isaga oo aan cabsi ka muuqan ayuu ayaar ugu sheegay aayaddii, Macallin Jamaal islamarkiiba waa uu ka warhelay in Muna loo sheegay aayadda oo aanay iyada la iman, waxa uuna markiiba aamusiyay ardadii kale isaga oo ku qaylinaya: waryaa Mowliid ka bax subaca labadeena waynu xisaabtami doonnaaye!.
Mowliid isaga oo yaaban ayuu meel gees ah istaagay, kolkii subaca dhammaaday ardadiina la fasaxay ayuu macallin Jamaal u yeeray Mowliid isaga oo dhowr ulood gacanta ka saaray, maalin adag bay u ahayd mowliid maalintaas ulihii ayaa gacantiisa kasoo muuqday, waxa uu isku dayay in uu ka qariyo reerka guriga maaddaama kaligii uu dugsiga ka dhigto qoyskiisa, balse isaga oo hurda ayay hooyadii la fajacday arrintii, markii uu waagu baryay ayay Duniyo weydiisay waxa ku dhacay gacantiisa, isaguna toos ayuu u qirtay in khalad uu galay darteed loo ciqaabay.
Ay Duniyo waa islaan qab-weyni iyo dagaal isku darsataye, waxa ay go’aansatay in ay dugsiga ka reebto wiilkeeda, waxaase arrintaa ganafka ku dhuftay oo is-hortaagay xaaji Liibaan oo saaxiibo dhow ahaayeen macallin Jamaal, waxa uuna ku adkaystay in wiilka waxbarashadiisa uu wato.
Sannadkii labaad ayaa kasoo wareegatay tan iyo markii Mowliid uu dugsiga ku biiray, muddadaas waxa uu Mowliid khatimay Qur’aanka. Oday Liibaan waxa uu dugsiga kusoo biiriyay labo wiil oo caruurtiisa kamid ah, nasiib-darradu marka ay albaabkaaga soo garaacdo si loo celiyo baa iska adage, waxaa dagaal laga sheegay xaafado u dhow guriga Mowliid qoyskiisu degganaayeen, muddaba kama soo wareegan kolkii xabaddu soo gaartay barxad ay caruurtu kubadda ku ciyaari jireen oo ku taallay dhabarka dambe ee guriga Xaaji Liibaan.
Habeenkaas waxaa lagu seexday duco iyo Allebari intii la karay, kolkii waagu baryay waxaa la isku sii daayey boosteejada baabuurta, reerka Xaaji Liibaan waxa uu u jihaystay dhanka Keenya si ay u galaan xeeyaha qaxootiga oo waqtigaa dad badan ay galayeen.
Muddo ay waddada kusoo jireen waxay cagta la heleen xeryaha dhadhaab, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey dadkii kasoo horeyay oo qaarkood qaraabo dhow la ah Xaaji Liibaan.
Mowliid iyo labo walaaladii ah waxa ay bilaabeen waxbarashada dugsiga hoose/dhexe, muddo kaddib waxay u gudbeen dugsiga sare.
Islaantii ay Duniyo ahayd wax ay mashquul ku ahayd in ay reerkeeda ku darto qoysas waqtigaas fursad u helay in loo qaado Maraykanka, isku dayo badan oo ay samaysay waa ay ku fashilantay. Guuldarrada ay la kulantay Duniyo waxaa kaga sii xumaa nacaybka ay u qabeen habrihii xerada la degganaa qaarkood oo u arkayay in ay tahay islaan wax kasta hunguriyaysa oo damac badan.
Waa horraantii bisha sagaalaad waxaa hool weyn isugu yimid waalidiin iyo arday badan, waxaa la sugayaa in lagu dhawaaqo natiijada imtixaanka ardayda dugsiyada sare ee dalka.
Waalidiinta hoolka fadhida waxaa kamid ah Xaaji Liibaan iyo Duniyo oo wiilkooda Mowliid ka baxaya dugsiga sare. Xafladda martidii lagu casuumay waxaa kamid ahaa masuuliyiinta waxbarashada keenya, wakiil ka socday jaamacadda Garisa oo xafladda ka hadlay ayaa ballanqaaday in deeq waxbarasho oo bilaash ah ay siin doonaan ardada ku guuleysata 3 da kaalin ee hore. Sidoo kale jaamacadda Nayroobi ayaa iyaduna ballanqaaday in 3 da arday ee ku xigta ay iyadu qaadanayso (Kaalinta 4,5,6).
Khudbado dhaadheer iyo madadaalo kooban kaddib waxaa la gaaray xilligii lagu dhawaaqi lahaa 10ka arday ee ugu sarraysa dugsiga sare guud ahaan keenya.
Gabar soomaaliyeed oo lagu magacaabo Sihaam ayaa kaalinta koowaad nasiib u yeelatay sannadkaasi, halka kaalmaha 2aad iyo 3aad ay galeen laba arday oo ka socday galbeedka keenya.
Kaalinta afaraad markii lagu dhawaaqay waxaa sawaxan iyo mashxarad ka bilowday qaybta dambe ee hoolka, waa Mowliid Xaaji Liibaan oo kaalinta afaraad ku guuleystay, dadkii ka yimid dhadhaab ayaa si weyn ugu farxay guushiisa iyagoo maalintaas gartay in Mowliid uu yahay nin waxbarashada jecel oo dadaal u dheer.
Waalidiintiisa ayaa ku bogaadiyay in uu ku biiro jaamacadda Nayroobi oo uu deeq waxbarasho ka helay, maadaama uu galay kaalinta afaraad. Mowliid waxa uu waalidiintiisa u ballanqaaday in uu jaamacadda dhigan doono, sidoo kale uu baran doono culuunta diineed iyo luuqadda carabiga.
Dhowr maalmood ayaa kasoo wareegatay kolkii lagu dhawaaqay tobanka arday ee ugu sarraysa dugsiga sare, Mowliid waxa uu helay magac iyo shacbiyad weyn. Warbaahinta Kenya iyo kuwa ay soomaalidu leeyihiin ayaa waraysiyo dhowr ah la yeeshay Mowliid, iyaga oo ku tilmaamay arday qaxooti ah oo safka hore ka galay kaalmaha dugsiga sare.
Abbaare sagaalkii fiidnimo Mowliid waxa uu furay taleefankiisa, barnaamijka faysbuug ayuu dalaq yihri, waaba codsiyo dumar u badan oo doonaya in ay faysbuugga kula Saaxibaan, habeen oo dhan waxa uu u fadhiyay in uu wada aqbalo dadkii soo codsaday isaga oo aan kala eegin dadka ay yihiin.
Aroortii isaga oo quraac u fadhiya ayuu mar is yiri Isha marsii faysbuugga iyo waxa ka socda, wuxuuse arkay farriin uu rumaysan kari waayey.
Farriintu waxay u qornayd sidan:
Waan ku salaamay Mowliid, waxaan ahay Muna oo aad wada dhigan jirteen dugsiga macallin Jamaal, waxaan joogaa UK, lambarkaaga ii reeb si aan kuula soo xiriiro.
Mowliid muddo siddeed bilood ah kaddib waxa uu Iska xaadiriyay dalka Ingiriiska oo uu galay kaddib markii ay u dacwoodeen qoyska Muna.
Muddo kaddib waxaa arooskoodu qabsoomay Muna iyo Mowliid oo haatan haysta laba caruur ah.
Mowliid waxa uu markasta ku halqabsadaa “ Culays walba waxaa ka dambeeya fudayd haddii Alle la talosaarto”.
waad ku mahasantahay akhriskaaga
Sidoo kale qeybta hoose ka akhriso maqaalo muhiim ah aan daabacney