10 QODOB OO KAA CAAWINAYA DHISIDDA KALSOONIDA CARUURTAADA
Waa arrin aad u adag in qof noloshiisa ay noqoto mid ka maran kalsooni nafeed, si gaar ah caruurtu waxa ay u baahanyihiin in ay dareemaan taageerada qoyska, iyo saaxiibada inta ay uga gudbayaan marxaladda qaan-gaarnimada.
Waxaa suuragal ah in caruurtu ay la noolyihiin reer ama qoys, haddana waxaa ka muuqda in ay dareemayaan kalinimo baahsan iyo daryeel la’aan, waxaana taa sabab u ah dareemid la’aanta kalsoonida dadka ku xeeran! Haddaba sidee lagu horumarin karaa kalsoonida caruurta?
Kalsooni: waxaa lagu qeexaa in uu qofku awood u yeesho ku tiirsanaanta naftiisa, go’aan qaadashadiisa, iyo dareemidda isku filnaansho dhinac kasta ah.
Sidoo kale kalsoonidu waa astaan shakhsiyeed oo muujinaysa in uu qofkaas dareemo isku filnaansho buuxda oo uu kaga hortagi karo duruufaha iyo waayaha nololeed ee uu la kulmo.Kalsoonidu waa waxa xaddida ama qaabeeya shakhsiyadda ubadka, haddii ubadka lagu beero laguna barbaariyo kalsooni nafeed iyo isku filnaansho waxaa soo baxaya shakhsi adduunka wax la qaybsan kara. Taa cagsigeeda haddii ilmaha uu kusoo koro meel kalsoonidiisa lagu burburiyo waxa ay shakhsiyaddiisa ka dhigtaa mid aan dhammaystirnayn oo aan hor u socod lahayn.
Sida lagu daabacay barta (kidahealth) caruurta qabta kalsoonida nafeed iyo naf oggolka waxa ay awood u leeyihiin in ay tijaabiyaan waxyaabo cusub, waxa ayna dadaal ku bixiyaan hawsha ay hayaan ama loo igmaday. Waxa ay ku faanaan wixii ay awoodaan in ay qabtaan, waxa ayna tamar u hayaan in ay la falgalaan ama la tacaamulaan wixii ka khaldama, waa kuwo jecel in ay markale tijaabiyaan haddii marka koowaad ay guul darro la kulmaan.
Balse caruurta ay hoosayso kalsoonidooda nafeed, waxa ay dareemaan in ay wax dhimanyihiin markasta, waxa ayna rumaysanyihiin in aan loo oggolayn in ay dhexgalaan dadka kale ama xitaa u dhawaadaan, taasi waxa ay ku keentay in ay markasta difaac nafeed oo liita ku jiraan, wayna ku adagtahay in ay qaataan khaladkooda iyaga oo ka cabsi qaba in ay wax waayi doonaan.
Waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa 10 qodob oo kuu sahlaya in aad dhisto kalsoonida ubadkaaga.
1. Kalsooni-siinta caruurta waxa ay soo bilaabataa waqti hore isaga oo yar, si aayar ah ayuuna u la qabsanayaa ilaa uu ka qaangaaro.
2. Kalsoonidu waxa ay ka bilaabataa kolka ubadku dareemo amaan, jacayl iyo oggolaansho, waana kolka uu helo daryeel togan. Labada waalid ee guriga ku nool gaar ahaan hooyada haddii ay dedaal u gasho in ubadkeeda ay dareensiiso in guriga laga jecelyahay waxa ay wax badan ka taraysaa mustaqbalka ubadkaasi.
3. Caruurtu waxa ay u baahanyihiin in laga garab siiyo in ay fahmaan deegaanka iyaga ku cusub.
Nolosha caruurnimo waa nolol tijaabo iyo waxbarasho u badan, waa nolol uu ku dhacayo khaladaad si uu dersi uga qaato, waana sababta uu ugu baahanyahay in uu helo qof kala taliya arrimaha waxbarashada, caafimaadkiisa, cibaadada, dad la dhaqanka, iyo noloshiisa oo idil. Labada waalid waa tusaalaha ugu weyn ee ubadku fiirsadaan markasta, waxa ayna marar badan isku dayaan in ay maraan waddadii ay mareen labadooda waalid, ha xumaato ama ha samaato e.
4. U oggolow ubadkaaga oo fursad u sii in uu u dhaqmo sida qof weyn oo kale. Marka ubadku ay galaan khalad, weydii sababta keentay khaladka iyo waxyaabaha uu ka baran karo. Da’daas caruurtu waxa ay aad u daneeyaan in ay mar uun dareemaan madaxbannaani iyo in ay noqdaan dad isku filan. Isku day in uu isagu maareeyo noloshiisa mararka qaar si uu u barto mas’uuliyadda, sida in uu kaligii masjidka tago, ama kaligii ka shaqeeyo su’aalaha iskuulka looga soo diray.
5. U oggolow caruurta in ay wax caawin karaan. Kalsoonida iyo qaddarinta nafeed ee ubadka waa ay korortaa marka caruurtu ay dareemaan in waxa ay sameeyaan ay muhiim u yihiin dadka. Waxaa suuragal ah xitaa in guriga ay kugu saacidaan ilmaha ama hawl dugsiga ka socota oo kale in ay gacan ka gaystaan.
6. U sheeg markasta oo aad waqti u hesho in ubadkaagu yahay qof xikmad badan oo caqli u saaxiib ah, waxa kaliya ee laga rabana ay tahay in uu ku kalsoonaado naftiisa iyo awoodihiisa si uu u qaato go’aanno u wanaagsan hadafyadiisa.
7. Xusuusi oo u sheeg marka uu dareemo niyad-jab in wax kasta ay u baahanyihiin dulqaad Jul adkaysi, isaguna uu yahay qof intaasba awooda.
8. Ka ilaali caruurtaada erayada niyad-jabka ku keeni kara ee maskaxdiisu qabanayso. Waxa aad la socotaa in maskaxda caruurtu ay ku jirto marxalad ay wax kasta oo ay qabato si fudud aanu uga farabaxsanayn, haddii lagu shubo fikrado togan (positive) maskaxdiisu way haysaa, haddii sidoo kale lagu shubo fikrado taban (negative) markasta way kusoo laaban.
9. Adeegso erayada dhiirigelinta iyo bogaadinta u ah.
Inteenna ugu badan waxa aynu iska jecelnahay in aan maqalno ammaanteenna iyo faallada wanaagsan ee la inaga sheego, caruurtuna waa dadka ugu badan ee xiiseeya arrintaas, haddaba ha ka bakhaylin ubadkaaga arrintaas, taasina waxa ay ku keenaysaa in uu tijaabiyo waxyaabo cusub oo horleh. Iska jir in aad ku hirqiso ammaan ka badbadis ah oo mustaqbalka uu ka qaado isla weyni iyo is-cajabin bug ah.
10. Dhugo aragtiyihiisa.
Caruurteenna inta ay yaryihiin waxaa dhacda in ay kasoo maaxato fikrado iyo aragtiyo cajiib ah, sababtoo ah waxa ay mararka qaar waqti u helaan in ay feker dhex-maquurtaan oo arrimo badan ay ka fekraan. Waqti badan ayay caruurtu ku qaataan in ay u fiirsadaan deegaanka nagu wareegsan, sidaa awgeed waxa ay gartaan waxyaabo innaga aynaan garan. Haddaba maqal oo dhegeyso caruurtaada, aragtidaada la wadaag oo feker ku darso, taasina waxa ay u suuragalinaysaa in uu qaato go’aanno wax ku ool ah iyo in ay badato kalsoonida uu naftiisa ku qabo.
Ugu dambayn murti baa tiraahda “ Wax la maalgashado waxa ugu weyn waa maskaxda bani’aadamka” da’yarteenna hadda soo koraysa waxaa muhiim ah in aynu ku beerno kalsooni iyo dhiiranaan ay dunida kale wax kula qaybsan karaan, intii ay markhaati ka noqon lahaayeen aayahooda iyo mustaqbalkooda. Ubadku waa jiilka beddeli doona dadka maanta jooga, barbaarintooda habboon waxa ay wax ka tartaa mustaqbalka dambe ee dalkeenna .
Tixraac
*Aljasiira.net ( نصائح لمساعدة طفلك على تطوير ثقته بنفسه )
*Mowdoo(كيف تعلم طفلك الثقة بالنفس )