You are currently viewing 8 talaabo muhiim ah si wax akhriska uu caado kuugu noqdo.
8 talaabo muhiim ah si wax akhriska uu caado kuugu noqdo.

8 talaabo muhiim ah si wax akhriska uu caado kuugu noqdo.

CAALAMKA AKHRISKA

Akhristaha caadada u ah in uu maalin kasta wax akhriyo, markasta oo uu buug akhrinayo ama qormo kale, waxa uu laabta ka dareemaa in uu dhexmushaaxayo duni kale oo ka baxsan tan dadka kale ay joogaan.

Waa qof aan sinnaba uga harayn buugga xitaa marka uu safar ku jiro ama goobta shaqashada uu joogo.

Marka uu dalxiis ku tago magaalo cusub, meelaha uu booqdo waxaa safka hore kaga jira maktabadaha iyo goobaha dhaqanka iyo sooyaalka leh, si uu wax cusub indhihiisu u arkaan, saqaafo cusubna uu u kasbado.

Haddaba, si aynu dunidaaa ugu biirno waxa aynu marka hore uu baahan nahay in aynu ogaano halka la inaga haysto ee dhibtu ay ka taagantahay, kolka aynu ogaanno halka ay sartu ka qurunsantahay, waxaa sahlanaanaya in aynu toos uu u abbaarno halkii aynu doonayay.

MAXAA CAQABAD KU AH AKHRISKEENNA?

Inta aynan su’aashan jawaabteeda galin, waxaan isweydiin karnaa su’aal ah, maxaa inaga hortaagan in aynu si nidaamsan wax u akhrino?

  1. Maareyn la’aanta waqtiga.

Dad badan ayaa rumaysan in aysan ku filayn 24ka saac ee maalintii, sidoo kale aanay waqti u heli karayn wax akhris.

Xalka ugu roon waa in aad 10 daqiiqo xitaa aad ku bixiso wax akhriska.

2. Doorasho xumo.

Buugaagta galka hore laguma qiimeeyo ayay ku maahmaahda an murtiyahannada, waxaa dhacda in saaciibada qaar ay isku dayaan akhrinta buug aan heerkooda aqooneed gaarsiisnayn ama mowduuc si uun u adag uu yahay buugga, kolkaas waxay ka qaadaan niyad jab iyo boholyow aan kasoo noqod lahayn, waxayna u guuraan xagga filimada iyo taxanayaasha(muealsalada).

3. Aragti khaldan oo akhriska laga qabo.

Qaar kamid ah bulshada waxay aaminsanyihiin in qofka wax akhriya uu yahay qof xirxiran oo aan jeclayn in la arko, bulshada iyo ku dhexnoolaanshaheedana uu ka doorbido afarta derbi iyo buugga uu ku fooganyhay. Balse aragtidani waa mid aan waxba ka jirin, sababtuna waa in qofka markasta oo uu akhriskiisu hagaago waa markasta oo uu ogaalkiisa nafeed uu hagaago, furfurnaan iyo la dhaqan wanaagsanna uu la soo galo bulshada dhexdeeda.

4. Deegaanka

Bulshada aynu ka soo jeedno waa dad hadalka ka doorbida wax qoridda, waxaaba lagu tiriyaa mararka qaar bulshooyinka ay naadirka tahay in ay buug kala furaan. Dhaqanka deegaankaas kajira ee akhris la’aanta waxa uu kaalin ku leeyahay in la waayo dad wax akhriya oo maktabadaha soo camira. Waxaase la yaab ah in dalalaka la isku yiraahdo dunida 3aad ee ay ku jiraan carabta iyo afrikaanka ah yihiin bulshooyinka heerkooda akhris uu aad u hooseeyo.

SIDEE AKHRISKA CAADO UGA DHIGANAA?

  1. Marka koowaad: waa in aynu ku baraarugnaa ahmiyadda khriska.

akhrisku waa Isha ugu weyn ee caqligu ka helo fikrado, waxa uu kaa dhigayaa inaad Dhinac kale ka aragto wax si aad j arki jirtay, waa mid kamid ah qaababka waxbarashada ugu mudan. Inaad si wacan u doorato waxa aad akhrinayso waxay kaa saacidaysaa in maskaxdaadu ay hesho wax ay iftiinsato, sidoo kale waxa aad helaysaa isku filnaanaho xagga erayada iyo luuqadaha ah, waa dariiq muhiim ah oo looga baxo dabinka dhaanraacnimada waxa loo yaqaano, oo ah in aad wax kasta qof uga dayato xitaa adigoon aqoon u lahayn sax iyo khalad waxa uu yahay shaygaasi.

2. Marka labaad: Samayso istaraatiijiyad u gaar ah akhriskaaga.

Qorshaha aad ka yeelanayso akhriska waxa uu qayb ku leeyahay guulaha aad gaarto, akhristaha bilowga ah waxa uu ku bilaabi karaa 5 bog maalintii ama xitaa 10 haddii uu awoodo, muddo sanand kadibna waxa uu u gudbayaa 20,30 bog maalintii. Arrin kasta oo billow ah waxay u baahantahay in si tartiib ah loo qotomiyo. Bogagga yar ee uu qofku akhrinayo waxa uu ka baran karaa kalsooni, akhrisku ma aha intaas baan akhriyay, e, waa intaas ayaan ka bartay.

3. Marka saddexaad: Adeegso waxyaabo ku saacidaya.

 Inaad hesho qof ama koox akhriska kula wadda ama barnaamij(application) gaar ah oo kaala xisaabtama akhriska waa arrin loo baahanyahay, barnaamijyada aad la kaashan karto waxaa kamid ah, Goodreads, habbit tracker, iwm.

Sidoo kale haddii aad heli karto saaxiibo isku xiran oo si maalinle ah wax u akhriya, isla xisaabtanna uu dhexdooda ka jiro, waa arrin loo baahanyahay oo inbadan ku Saacid doonta.

4.Marka afaard: samayso deegaan kuu saamaxaya akhriska.

Haddii guriga ama Iskuulka aan jirin dad wax akhriya, waxaad samayn kartaa saaxiibo cusub inaad abuurto si akhriska loo la qabsado, jawigaaga hore ka farxalo, oo haddii aad waqti badan ku qaadan jirtay makhaayadaha, goobaha ciyaaraha, iyo meelaha madadaalada,waxaad u baahantahay in jawigaaga aad u weeciso maktabadaha, hadda waa kolkii maktabadaha.

Ugu dambeyn: Qur’aanka kariimka eraygii ugu horreeyay ee lagu bilaabo waxa uu ahaa ma xusuusataa?

Dabcan haa, waa Akhri(Iqra) , tani waxay ka dhigantahay in ummada muslimiintu ay yihiin, ummadda akhriska, ammarkaas uu quraanku na faray waa in aynu sidiisa u fulinaa, oo aan u kacnaa akhriska.

Bulsho ahaan soomaalidu waxa ay u baahantahay in ay u soo kabato dhaqaalo ahaan, dhaqan ahaan, iyo meel walba oo nolosha kamid ah oo maanta lagu tilmaami karo in ay wax uun gaareen, waxa aynu u baahan nahay in aynu ka shaqayno in ubadkeenna lagu koriyo akhriska inta ay Iskuulka joogaan, iyo marka ay guriga joogaanba, sidoo kale laga ilaaliyo in ay waqti badan ku qaataan taleefannada caqliga leh (smartphone) ee hadda dunidu ku baraarugtay waxyeelladiisa iyo khatartiisaba. Waalidiinta Soomaaliyeed waxaa saaran mas’uuliyadda ah in ubadkoodu helaan korriimo iyo xannaanayn wanaagsan, waxaana soo hoosgala in ubadka lagu edbiyo dhaqanka suuban, iyo in sidoo kale lagu barbaariyo akhriska,inta ay guriga joogaanna loo qabto tartamo akhris iyo xitaa qoraal, taasi waa dhiirigelinta ugu roon ee ubadkeennu kula jaanqaadi karaan akhriska.

Ummadaha wax akhriya waxa ay leeyihiin mustaqbal wanaagsan OO la isku halkan karo, waxayna ku xisaabtamaan jiilasha yaryar ee hadda I ao baxaya iyo da’yartooda wax akhrida, balse nasiibdarrada dadkeenna haysata ayaa ah in 10-6 saac maalintii lagu fooganyahay baraha bulshada iyo hardanka ka socda. Saacadahaasi haddaynu 1 saac kaliya ku bixin lahayn wax akhriska, waxa aan shaki ku jirin in nolosheenna ay wax badan Iska baddali lahayd, inbadan OO kamid ah dhibaatada maanta ina haysatana waa laga bixi lahaa.

Hadalka guntiisu waa “ Akhristaha maanta waa hoggaamiyaha berri”.

Tixraac:

  1. Buugga Alqiraa’ah almithmira. Dr cabdikariin Bakaar
  2. Arabic post أشياء ساعدتني على جعل القراءة عادة يومية في حياتي

Leave a Reply