You are currently viewing QISO JACAYL OO CAJIIB(QISO DHAB AH)

QISO JACAYL OO CAJIIB(QISO DHAB AH)

QISO JACAYL OO CAJIIB(QISO DHAB AH)

Qisadani waxaa ka sheekaynaya wiil soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cali.
Cali waxa uu noloshiisa inta ugu badan ku qaatay caasimadda dalka ee Muqdisho.
Qisadani oo ah mid cibro iyo dersi laga baran karo, waxa ay xambaarsantahay dareen gaar ah oo, billow ilaa dhammaad waxa aan kusoo hordhigayaa Cali oo soo maray dareenno kala duwan, mar ayuu soo maray dareen farxadeed oo aan la cabbiri karin, mar waxa uu soo maray cabsi,iyo walwal, qaybta u dambaysa ee sheekada waxa ay ku dhammaanaysa si aan marnaba la filayn, waxaa uuna kaa codsanayaa Inaad talo ku darsato sheekada kolka aad dhammayso kaddib.

Inta aadan guda-galin sheekada, waxaad Maanka ku haysaa in qisadu ay tahay mid dhab ah oo laga qoray qofkii ku dhacday, ujeedka loo baahiyayna ay tahay in duruus laga barto.
Sheekada waxay ku bilaabanaysaa:

Ugu horreyn waxaa mahad u sugnaatay Allah Subxaanahu Watacaalaa oo ii suurta geliyay in aan maalmo badan ka dib aan helo meel aan fariintaan qalbigeyga ku duugan kula wadaago walaalahayga Soomaaliyeed, wiil iyo gabar, sababtoo ah waxaan ahay walaalkiin, hadana aad u qalbi jabay, inkastoo wax walba ay qoran yihiin.

Magacaygu waa Cali, waxaan ku noolahay magaalada Muqdisho, waxaan hadda jiraa 25-sano, waxaana doonayaa in qiso igu dhacday aan idiin soo gudbiyo, Muddo hadda laga joogo 10 sano,waxaan ahaa igaar 16 jir ah, waxa aan is baranay gabar iyaduna markaas ahayd 14 jir ahayd, balse hadda ah 24 jir.
Waxa aan wada ahayn arday iskuul, hal dugsi ayaan wada dhigan jirnay, waxaana sheeko walaalnimo ka dib na dhexmaray xiriir jaceyl, waxaa uuna ahaa jaceylkii iigu horeeyay ee aan yeesho, waxaan wada soconnay muddo toban sano ah.

Nolosha billow ilaa waa dambe aad ayaan isugu faraxsanayn, waxay iigu dul qaadatay ardaynimada, waayo markaa ma shaqeyn jirin, waxaa jirtay qisooyin badan oo aan isla soo marnay, xitaa ehladeeda qaarkood ayaa igu nacay gabadhii aan jeclaa oo aan magaceeda awoodin inaan halkaan ku baahiyo, way iigu samirtay, waayo Soomaalida ayaa ku maah maahday “bisha oo ku jecel bakaal muxuu kaa dhibaa”.

Hooyadeed iyo aabaheed ima necbeyn oo aad bay ii jeclaayeen, laakiinse eedooyin iyo habaryaro baa jiray oo gabadha nin kale la damacsanaa, balse taasi ma aysan dhicin oo iyadaa garabkayga ahayd.

Warka iyo xantaba si fudud ayay ku faafaan, waxaa xaafaddii ay deganayd iyo middii aan aniga deganaa ku baahay sheekadeenna, waxaa noqonay dad lagu sheekeysto sanadba sanadka ka dambeysa, illaa dadka qaar ay moodaan inaan is qabno.

IIlaahay ayaa ii fududeeyay dugsigeygii sare, markiiba waan ka faraxashay, waxaana billaabay Jaamacad. Sanadkii 2010 ayaa waxaa iyada loo sheegay in loo hayo Layn dibadda ah ayna degdeg ku timaaddo magaalada Addis Ababa, way ka madax adaygtay, waxaana ay go’aansatay aniga oo Jamacadda dhiganaya inaan is guursanno, run ahaantii waxaan sameeyo ayaan garan waayay iyadana waan jeclahay xoogaa waxaan diidanaa hadana qof aan mas’uuliyadeeda qaaday inaan reerkaygii ay igula noolaato.
iyadoo taasi ay jirto ayaa habeen habeenada ka mid ah waxaa isoo wacay hooyadeed, waxaana la iga dalbday inaan xaafadda imaado, markii aan tagay ayaa hooyadii iyo aabaheed waxay iga codsadeen inaan gabadhooda u fasaxo si leenkaasi aanu u khasaarin, waxayna niyadda iigu qaboojiyeen in qof aan aniga ahayn aan lasiin doonin, xilli walba oo diyaar aan soo noqdana la ii guurin doono.

Waxaan sameeyo ayaan garan waayay, waayo nafteyda ma aysan ogoleyn qofkaan jeclahay inay iga fogaato, runtii waa iga daacad, sheekadaan waxba kuma daraayo kamana jaraayo, waalidkii waxaan ku iri : waan idiin ogolaaday wax walba oo aad jeceshihiin, iyadii ayaan qolkeeda ugu galay, waxaana ku iri aniga oo ka xun, Xabiibti Labadeena waan is jecelnahay, cidna nama kala geyn karto, waxaan kaa baryaa in hooyo iyo Aabe aadan niyadda ka jebin, si aan duco u helno aad tooda u yeesho, diidmo ka dib way iga aqbashay, waana xusuustaa habeenkaa ma seexan aniga ilina way iga dhamaatay, maalmo ka dib waxay u baxeen iyada iyo reerkeeda Itoobiya, aniga ilaa Hargeysa ayaan la tagay markii ay gaari Addis Ababa raaceen diyaarad baan iska soo raacay waxaa ii billawday maalmo murugo, walwal joogto ah iyo feker heer aan gaaro in raashiinkii xitaa aan cuni kari waayo, sida ay ahaataba noloshaasi waan iskala qabsaday, anigane intaan Jaamacadda dhiganayay ayaan helay shaqo xafiis gelin dambe ah, waan iska shaqeysanayay, iyadana wax walba oo qalbigeeda u baahdo kama hagran sababtoo ah nafteyda ayaa ku faraxsaneyd.

Intii ay halkaasi joogtay ayaa xoogaa isbedal yimid, sababtoo ah waxay halkaasi ku baratay asxaab kala duwan, aniga ma ogaan lahayn, laakiinse waxaan hayay Passwordka Email-keeda ah oo ay isticmaali jirtay, waxaa billawday fariimo la’
isku diro asxaab dibadda jirta, run iyo been waxa ay doonto ha u sheegtee, aniga xariga kalsoonida ayaa gacmaha iga hayay, kaas oo ilahaa “adiga ayey dhab kuu jeceshahay waxaana kale waa howl iska dhallinyaro”.

Muddo markii ay sidaasi ku socotay ayaan adkeysan waayay waan wacay waxaan ku dhahay walaaley maxaad sidaas u sameynaysaa, waxayna igu dhahday adiga waxyaabahaasi waxba kaama quseeyo, aniga kalsooni igu qab. Dhamaadka sanadkii 2010, aniga aabahay aan jeclaa baa geeriyooday, waxaa isoo kortay mas’uuliyadda reerkayga, waxaana noqday nin xil culus qaaday, sidaas ay tahay habeen iyo maalin sida iyada oo Muqdisho ila joogta ayaan wici jiray, balse iyada waxaan ka dareemayay gaabis badan, waxbo yaan hadal idiin ku daalin, sanadkii 2023 ayeey Muqdisho ku soo laabteen dhammaantood, sababtoo ah Leenkii ayaa socon waayay, aniga waxaan noqday nin yara shaqeystay, waxaan islahaa way kugu farxaysaa, guurna u bandhig, laakiinse sheekadii ayaa is bedashay, wejiyo cusub ayaan la kulmay, way iga diiday guur, iyadoo i leh Yurub ayaan tagayaa ilmaheena mustaqbalkooda ayaan ka fikirayaa, aniga tii baryo ahayd xaqiiqdii waa iga dhamaatay, laakiinse waan iska sabray, da’ ayaa noogu darsan tay, caqliga wuu batay, iyada waxay billowday in rag kale ay la haasawdo ama xiriir jeceel la sameyso, aniga asxaab meesha deggan baa warka ii keena, laakiin aniga waxaan qalbigeyga geliyaa kalsoonida ha burburin, anigana bilaahi baan ku dhaartee gabar kale xiriir iska daayee wax aan salaan ahayn isma dhaafsan sida aan jaceylkeena u ixtiraamaayay oo kaliya waxaa i soo wajahday caqabado dhan walba ah.

Billowgii sanadkaan 2024 ayaa leenkii dib loogu yeeray, waxaan ku dhahay xayaati annaga maxaa inoo xal ah maadaama hadana aad baxayso, waxay igu dhahday wax walbo way hagaagayaan, aniga ayaana jawaab wacan ku soo siin doono markii aan Addis ababa ku laabto, Addis ayaa la tagay markaan wada hadalnay waxaan ku dhahay haye maxaa jawaab ah, waxaa la’igu dhahay NINYAHOW WAR AAN KU SIIYO, ANIGA GUURKAAGA IYO JACEYLKAAGA HADDA DIYAAR UMA IHI, NAAG YURUB RABTO AYAAN AHAY, WAXAAN KU HAYSTAA, OO AAN ISBARANAY NIN YURUB DEGGAN SHARCI LEH, WAXAANA RABAA INAAN MUSTAQBAL HALKAAS KA SAMEYSTO,
Anigoo la amakaagsan hadalkeeda ayaan ku iri: walaaley aniga 10 sano baan wada soconnay aad ayaan kuu jeclahay kaamana maarmo ee sidaas ha iila hadlin, xitaa Yurubta aad sheegayso aad anaa diyaar u ah inaan badda soo galo oo kaa daba imaado, bal eeg waligey dalkeyga inaan ka baxo ma jecleen, laakiin darteed inaan u baxo ayaan ku hamiyay waana diyaar baan u ahaan in aan darteeda tahariib u galo, way igu qososhay, waxaana la i dhahay, WAR WAX MAKUU SHEEGAA NINYAHOW DHAC-DHACA ISKA DAA, NIN RAG AH BAA TAHAYE, DAN HAKAA DHACDO, SANADAHA AAD I SUGEYSAY DOQONNIMADAADA AYEY AHAYD, TALEEFANKII WAA LA IGU DAMIYAY.

Walaalkeeda oo Xamar reer ku leh ayey lasoo hadashay kuna tiri Cali U SHEEG ANIGA WAA IGA DAACAD MA RABO SOOMAALIYA DAMBANA UMA SOO SOCDO.

Run ahaantii aad baan qalbiga uga karay, waxaa jirto walaalayaal inta dhaawaceygaan fahmayso aflagaado hadal xumo iyo waxyaabo badan oo ay i dhahday, laakiin damiirka ayaa isiin waayay inaan halkaan kusii faag faago, inta aan dadaal sameyn karo waan sameeyay laakiin waa ay ii suurta geli weysay tabarteyda ayaa ii run sheegtay.

Go’aan ayaan ku qaatay inaan xiriir dambe sameyn, waxaan qaatay in aan noqdo qof iska shaqeysta, dalkana ma doonayo inaan waligey meel uga baxo, ganacsi ayaan abuurtay markaan jaamacadda dhameeyay ka dib Alle mahaddii, waxaan hadda ahay qof shaqeystay hanti ku filan illaahay siiyay dibada dalkeyga ayaan ka doortay, laakiinse habeen iyo maalin markaan soo xusuusto waqtiga iga lumay waan shalaayaa, misane ilmeeyaa, hadda aniga jaceyl uma qabo, mana doonayo nolosheedii inaan ku laabto hadii ay dhacdo in dib loo kulmo, jaceylow i daa sadex maado igu daa Heestii ahayd baan hada la saaxiibay oo mar walba dhageystaa.

Maadaama aan jeclaa waxaan go’aansaday si niyad ah oo qalbiyan ah in aan u cafiyo, illaahay ayaana talada saartay, waxaana illaahay ka baryay in nabsigeyga uusan kasoo bixin maxaa yeelay waa gabar Soomaaliyeed, waxaana illaahay ka baryay in wado wanaagsan ay qaado, mar kalena aysan qof sideyda oo kale ah u dhaawicin anna qalbiga uga jebin.

Wax yaabaha aan idiin kugu soo bandhigay fariintaan ayaa ah in marka hore aan qalbigeyga si wanaagsan ilinta uga soo daadiyo xusuus dheer aan geliyo, in waxaa aan kaligey qarsanaayay aan banaanka keeno si aad ila wadaagtaan.

Abaayayaasheenna Soomaaliyeed iyo Wiilasha walaalahayga Soomaaliyeed waxaan idiin ka codsanayaa inaad iska ilaalisaan nabsi inaad qof kale ka gashaan, waan idiin baryaa qof ku jecel rajo beel haku ridin waayo aad ayey u xanuun badan tahay marka qofaad jecleyd ku dhaawaco waxayna leedahay xanuun ebid laga soo kabsan.

Hadda aniga nolosheyda waa caadi, gabar kale xiriir lama sameyn, kaliya waan iska shaqeystaa xilliga nasashada waxaan iska galaa qolkeyga gaarka ah oo aan isku maa weeliyaa, igana raali noqda hadii aan ilin idiin ka keenay ama qisadaan ay xanuun idiin ku reebtay sorry.

Hadii aad haysto qof ku jecel fadlan ha dayacin oo ka faa’ideyso, aduunka waxaa ugu fiican hadaad nolol la wadaagto qof aad is jeceshihiin, weel qiyaano ma buuxsamo.

Dad badan ayaa jiro oo ballan been ah isla gala oo aan ka dhabeyn jacelkooda 24sac been isu sheega abayo iyo abowe is dhaha laakiin labadaas qof mid qiyaano wixiisa ku hoos wata, jecelku waa kalsooni, nolol, farxad, waayo haduusan jecel jirin lahayn maanta dunidan quruxda badan ma imaadeen.

Waxaa jira dadyow badan oo ka dhabeeyey jecelkooda oo horumar ka gaaray maantana ah qoysas dhisan oo Alle ku siiyey caruur, sidoo kale dhalin yaro badan ayaa jira oo mudo xiriir jecel ka dhexeeya oo si fudud ku kala taga.

Jecelka ayaa ah sidiisaba mid loo dulqaata una baahan samir dheeraad ah, dabacsanaan labada qof dhankooda ah, midaas ayaa guul lagu gaari karaa.

Dhalin yarooy jecelka aan ilaalino xuquuqdiisa.

Haddii aad dhammaysay qisada, maxaad kula talinaysaa walaalkan soomaaliyeed?
Aragtidaada noogu reeb qaybta commentska.
Waad mahadsantihiin

Leave a Reply