You are currently viewing 30 sano inta aadan gaarin Talooyin aad kuu anfacaya
30 sano inta aadan gaarin Talooyin aad kuu anfacaya

30 sano inta aadan gaarin Talooyin aad kuu anfacaya

Su’aal iska fudud baan kusoo hordhigayaa!

Waa maxay waxa ugu qaalisan ee aad hadda haysato?
Haddii aan si fudud kuugu tibaaxo, ma hantida ayaa kula qaalisan, ma caafimaadka, mise qoyskaaga?
Nasiibdarro saaxiib, intaasiba ma aha shayga ugu qaalisan ee aad haysato, intani maxay tarayaan haddii aadan haysan waqti aad kaga faa’idaysato, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah inaad talooyinkan isha marido inta aadan gaarin da’da 30 jir.

Talada koowaad: naftaada oggolow inta aadan soddon gaarin.

Marka aad ku qanacdo naftaada, qaabka uu Eebbe kuu abuuray, duruufaha kusoo mara iyo mashaakilkaaga, kolkaas ayaad awoodaysaa inaad si qumman u fekerto, innagu haddii aynu bashar nahay khaladku waa fidradii Eebbe nagu abuuray, Allaah SW waxa uu yiri: (وخلق الإنسان ضعيفا ) aadanaha waa dad ducfi lagu abuuray.
Xadiis nabiga SCW laga wariyay waxa uu micnihiisa u dhignaa: ( Rabbiga naftayda gacantiisa ku jirta ayaan ku dhaartay e, haddii aadan dambi galayn, Alle inta uu dunida idinka tiro ayuu keeni lahaa qowm kale oo dambaaba kaddibna dambi dhaaf weydiista Allena dembigooda dhaafa). Tani micnaheedu waa in aynu markasta dembi gali karno, khaldami karno, waxaa inala gudboon in aynaan waqti ku lumin in aynu nafteenna eedayno ama nafaheenna cannaan aan la dhacno. Haddii aad qaadato mas’uuliyadda fashilkaaga, kolkaas ayaad ka fekeraysaa sidaad u guuleysan lahayd intii aad ka fekeri lahayd sidee baan u fashilmay. Si kooban: Naftaada Cafiifa, Alle dembi dhaaf weydiiso, oo ka fogow in aad naftaada eedayso, waxqabadna la kaalay.

Talada labaad: Waa muhiim in aad safarto

Waa muhiim in aad safarto, qofka aan safrin waxaa lagu tilmaamaa qof sidii geedka u taagan oo aan wax badan ogayn, halkan uma jeedo safar kharash badan kaaga baxaya, safarku waxa uu noqon karaa safar shaqo ama waxbarasho. Inta aad ka yartahay da’da soddonka waxaad haysataa fursado badan oo aad ku safri karto, waxaad heli kartaa qaabab fudud oo aad u safri karto sida deeqaha waxbarasho oo inta badan fursadaheedu maanta la helayo. Safarku waxa uu shakhsiyaddaada ku soo kordhayaa waxyaabo badan. Imaamu shaafici Eebbe ha u raxmadee ayaa laga sheegaa in uu yiri: Safarku waxaa ku sugan faa’idooyin shan ah: “warwarka iyo hammiga oo kaa yaraada, xoolo la kasbado, cilmi, aadaab iyo saaxiib la mahdiyo ayaad ka dheefaysaa”.
Intaas oo faa’idooyin ah ayaad ka helaysaa safarka, waxaa kaloo isbeddel ku imanaya hormoonada jirkaaga , dhakhaatiirta cilmunafsiga ku takhasusay waxay sheegaan in safarka uu jirka ka ilaaliyo cuduro u badan kuwa nafsiga ah.

Talada saddexaad: Ku xulo lammaanahaaga nolosha si xikmadi ku jirto.

Doorashada lammaanaha waxa ay kamid tahay go’aannada ugu muhiimsan ee qofku noloshiisa ka gaaro. Maxay muhiim u tahay in qofku go’aankani gaaro inta uusan 30 ka u gudbin?
Sababtu waa haddii aad soddonka dhaafto adigoon guursan, waxa aad dareemaysaa kallinimo adag.
Guurku waxa uu kamid yahay mucjisooyinka Alle weyne SW.
Allaah waxa uu Qur’aankiisu ku leeyahay:
(ومن آياته ان خلق لكم من انفسكم أزواجا لتسكنو اليها وجعل بينكم مودة ورحمة)
[ Aayadaha Ilaahey lagu garto waxaa kamid ah in nafihiina idinku abuuray abuuray naftiina haween si aad isugu xasishaan, dhexdiinana wuxu yeelay kalgacal iyo naxariis].

Lammaanaha aad xulanayao waa in uu noqdaa qof kuu qalma oo dabacsan, waa muhiim in aad ku ducaysato in Alle kugu irsaaqo lammaane wanaagsan, guurku waa risiq Alle bixiyo. Marka aad xulanayso ku dedaal in aad eegto halbeega nabiga, yacnii hanti, qurux, nasab,iyo diin. Waxa uu Rasuulku scw talo ku bixiyey in la doorbido qofka diinta ku dhaqma si ay nolosheenna u hagaagto. Inta aadan sodoon gaarin waa muhiim in aad mar uun ka fekerto mucjisada Eebbe (guurka). Haddii aad horay u heli weydo qof kuu qalma Dhib malaha, innagu tartan kulama jirno dad kale, Sayiddah khdiika Alle ha ka raali noqdee waxa ay guursatay sowjkii ugu mudnaa (rasuulka scw) iyadoo afartan jir ah, halka nabiga scw uu guursaday isagoo 25 jir ah, waana da’da ay guurka u banbaxaan da’yarta, haddii ay dantu kuu saamixi weydo ha murugoon oo Alle ku kalsoonow.

Talada afaraad: Samayso cibaado aad joogtayso:

waxaa wax aad u wanaagsan in aad samaysato cibaado gaar ah oo aanadka tegayn, sida: sadaqo go’an oo aad markasta bixiso, inaad laba rakacadood tukato kahor inta aadan seexan, istiqfaar iyo tasbiix aad maalin kasta samayso, arrin fudud oo aad markasta joogtayso waa muhiim, si aad uga midnoqoto toddobo qof oo maalinta qiyaame carshiga Rabbi harsanaya, maalin aan hoos jirin hardkiisa mooyee, waxaa dadkaasi kamid ahaa nin dhallinyaro ah oo ku barbaaray cibaadada iyo daacdda Ilaahey, da’da dhallinyaranimo dad badan baa I haysta da’ ciyaar iyo baashaal loogu talagalay, cibaadadaas aad joogtaynayso waxa ay saamayn togan(wanaagsan) ku reebaysaa noloshaada, arrimahaaga adduun iyo aakhiro way kuu sahlanaanaysaa, wanaaggaas kooban waxa uu tirtirayaa macaasida kaa dhacda sida uu Alle ku sheegay Qur’aanka:
(ان الحسنات يذهبن السيئات)

Talada shanaad: Baro xirfado kaladuwan:

Dunida marba marka ka dambaysa way isbeddeshaa, shaqooyin horay u jiray ayay maanta u muuqataa in laga guurayo, waxyaabo badan oo bani’aadamku qaban jiray ayaa maanta waxaa qabta qalab, farsamadii baa isbeddel ku yimid, dad badan waxay sii qiyaaseen in shaqooyin badan ay ciriiri gali doonaan marka loo eego tirada ardada jaamacadaha ka baxaysa ee shahaadooyinka sita. Haddii aad u malaynayso in aad jaamacadda ka baran karto xirfad mustaqbalka ku anfacaysa; waxaad ku jirtaa riyo maalkeeda toos ah. Raadi oo baar xirfadaha mustaqbalka loo aayi doono oo suuq wanaagsan yeelan kara mustaqbalka. Koorsooyin badan iyo xirfado ayaad ku baran kartaa hab fogaan arag ah(online), taasi waxay kuu saamaxaysaa in mustaqbalka aad yeelato xirfad aad isku hallayn karto.

Talada lixaad: Ka shaqee caafimaadkaaga.

Waa muhiim in aad ka warhayso caafimaadka maskaxeed iyo kan jireedba, waa arrin loo baahanyahay in aad gudahaaga hagaajiso sida aad u qurxinayso muuqaalkaaga dibadda,Iska ilaali xanuunnada gudaha ku dhaca sida: xadadka, xaairaadda,cadaawadda, dulmiga,iwm.

Talada toddobaad: Baddal caadooyinka qaar.

Waxaa suuragal ah in aad leedahay caadooyin wanaagsan iyo kuwo kale oo aan wacnayn, kuwa hore kaliya waxaad u baahantahay inaad sii xoojiyo, kuwa dambe ee xun waa in aad wax ka bedeshaa, qoraaga buugga Caadooyinka yaryar (Atomic habits) waxa uu qabaa in caadooyinku ay yihiin kuwo yaryar oo si tartiib ah u samaysma, qofkuna uu kasban karo caado kuwo kalena Iska reebi karo inta aan da’diisa 30ka dhaafin. Xikmad carbeed ayaa tiraahda:(من شب على شيئ شاب عليه ومن شاب على شيئ مات عليه )
Oo la micno ah: ninba wixii uu ku koray ayuu ku hanaqaadaa, wixii uu ku weynaadana godka ayuu la galaa. Tani waxay ka dhigantahay in aad Iska joojiso caadooyin wixii caruurnimo kuu geysay ee aad sida khaldan u baratay, taa bedelka aad barato naftana ku dirqiso caadooyin wanaagsan oo aad mahdin doonto mustaqbalka, tusaale fudud: Intii aad yarayd waxaad la qabsatay in salaadaha faralka aad guriga ku tukato adigoo Dib u dhiganaya, waxaad ku beddeli kartaa in Marka uu eedaanku dhaco aad masjidka Iska xaadiriso shanta waqtina aysan kaa tegin salaadda jamaacada.

Waad mahadsantihiin

Tixraac
*Buugga Atomic habits
*نصائح لك قبل سن الثلاثين.د. محمد غنايم
*متعة ان تكون في الثلاثين. علا ديوب

Leave a Reply