Dhalinyarada soomaliyeed maanta badankooda waxaa lagu tilmaami karaa in aynaan ka war heynin ama eysanba la socon dawrka looga baahan yahay, waxaana taas marag u ah dhallinyaro badan oo waqtigooda ku luminaya wax aan nolosha micno ku lahayn, sida daawashada aflaan aan wax laga dheefin, ama ciyaaraha noocyadooda kala gadisan ama ka sheekeynta kooxaha.
Sido kale dhalinyaro badan ee kale ayaa jirta kuwaas oo xoogga saaray sida ay shahaado Dugsi Sare ama jaamacadeed gacanta ugu dhigi lahaayeen kuwaas ayaa dhaamo, run ahaantii waxaa badan kuwa waqtigooda ku lumiyo faa’ido darada.
Dhalinyarada waxbarata ayaa ah kuwa maanta shacabka uu ku tashanayo ama ah hogaamiyayaasha mustaqbalka u ah, waa da’yar Isha lagu hayao, waxqabad wanaagsanna laga sugayo.
Soomaaliya waxa ay u baahan tahay maanta dhalinyaro qalbi saafi ah, wadan jaceyl iyo diin jacayl uu ku abuuran yahay qalbigooda waa in la helo.
Waxaana haboon si loo waci galiyo dhalin-yarada soomaaliyeed in marka hore lagala dagaalamo qabiil si xun u adeesiga ay aaminneen qaar kooda badan.
Waxaana Allaah ( SW ) ka baryeynaa in dhalinyarada soomaaliyeed uu dareensiiyo tusana sida dhalin yarada dunida ay uga dhax-muuqdaan shacabkooda,dawrkoodana ay ka qaataan dib u midenynta iyo dhisida dalkooda, gaar ahaan sidii ay isugu keeni lahaayeen dhalin yarada kala firidhay oo tahariibka iyo darxumada ay laayeen, haddii jiilasha yaryar ee soo koraya aan helin wax tixgelin ah, waxaa adkaanaya in dalka uu dib u dhismo.
Mowduucan ayaa dhalin yarada soomaalida ee doonaya inay raadsadaan mustaqbal kooda ama jeceyl waa in uu dhawraa qodobadan aan sheegi doono:
Waa in ay dabeecadooda wanaajiyaan, habdhaqankooda wanaajiyaan si ay umadaha dunida wax ula qaybsadaan.
Waa in ay ku dadaalaan barashada iyo ku dhaqanka diintooda sarena u qaadaan sidii ay u baran lahaayeen culuumta diiniga iyo maadigaba, sidii ay aqoontooda u noqoto mid sare.
Dhalinta soomaaliyeed waa in ay ogaadaan in midka shaqaysanaya uu heli karo waqti uu wax ku barto, midka buufisku hayana sido kale, marka mar walba lagama weynaado waqti aad wax ku baratid ee jadwalkaaga malinlaha ah geli in aad wax xariiqato waxana hubaal ah 10 daqiiqo oo qura hadaad wax baratid in aad ku fa’idaysid, hana is dhihin waqtigu waa dheer yahay ee hada ka dib miyaad wax baran kartaa ama aad fasal hoose ka bilaabi kartaa, balse waqtigu waa sida seyftii oo kale oo hadaadan goyn isaga ayaa ku jaraya, marka adiga oo shaqaysanaya ayaad hadana wax baran kartaa, sideedana wax barashada lagama waynado oo maah maah carbeeda ayaa dhaheysa “raadiya cilmiga laga bilabo marka aad dherabta hoyadaa ku jirtid ilaa iilka lagaa dhigo”, marka adiga hadaad baranayso in yar oo xitaa nolol maalmeed kaada ku raadsan kartid wax ayaad baratay balse hadana mar walba ha joojin in aad waxbarato.
Waxaad mooddaa in maantay meel kasta ay aqoontu taalo, waagii hore meeshii loo raadsan jiray shiiq masaajidka ku dhex jira oo kale ama meelo qaas ah mantay internetka kaliya inta aad fadhiso ayaad wax badan aad baran kartaa oo aqoonta oo idil asaga ayey hada k u soo aruurtay sidoo kale waxaad wax ka baran kartaa meela kale oo badan marka waxaan leenahay dhalinta waqtigu waa dahab ee aan ka fa’idaysano, Illaahayna asaga oo ka hadlaya dadka wax bartay iyo kuwa aan wax baran ayuu yiri,
ma simanyihiin kuwa wax yaqaana iyo kuwa aan wax aqoon? Jawaabtu waa maya.
Aqoontu waa iftiin jahliguna waa mugdi marka iftiin aan jirina wax badan ayaa naga halaabaayo.
Maanta waxaad arkeysaa dhalinyaro badan oo waqti ku bixiya isticmaalka Baraha bulshada , talada iyo fekirka aan dhiibayno waxay tahay, runtii habnololeedka bani’aadamka wuxuu ka kooban yahay dhowr wax-yaabod, hadana se ka bilaabo soomaali ahaan waxaad moodaa nolosheena iyo jiritaankeena inuu sii lumaayo maalinba maalinta ka damayisa, maxaa qaldan marka?
Bal qof kasta ha is wediiyo ka bilow naftaada meel kasta oo aad joogto, maxaad u baahan tahay, dabcan wax kasta oo qof bani’aadam u baahan yahay, sidaan ayaaa ku jawaabaysaa, jidkee loo maraa marka? inaad hesho meela ku nolaato oo adiga iska leedahay, waa halkee dalkaaga, waxaa laga yaaba inaad ku jawaabto dagaal ayaa ka jiri iyo waxyaabo la mid ah, ma aha midaas arintan inaga ayaa isku wadna dhibka runtii waxaan aaminay nolol qaldan, waxaan u hogaansanay dad yar oo qaldan, ma dooneyisa inaad noloshaan ku gabowdo?
Jawaabtu dabcan waa maya,sidee ku heli kartaa mid ka duwan dalkaaga oo hagaaga, hadaba haddaan nahay dhalin-yaro waa in aan samaysanaa raasu maal xaga nolosha ah kaas oo ka kooban dal wanaagsan dad wanaagsan iyo nolo wanaagsan, waa in aan iska daynaa dagaalka iyo taageeridiisa kuna noolaano is jacayl iyo wax wada qabsi dhab ah, iskana qabana dadka yar oo xun hadaan nahay dhalin yaro, waxaan dayacnay dalkeeni dumarkeeni, ciyaalkeeni, dabcan markaan sas leenahay dhab ayey nala tahay waayo gurigeena hadii aynaan inaga hagaajin cid inoo hagaajin karta malaha, qof kasta waa inuu ficil ahaan uu sameeyo waxa uu jecel yahay oo ah dadkiisa, dalkiisa, caruurtiisa, hooyadiis iyo aabihiis iyo eheilkiisa , intaas iney nolol wanaagsan ku nooladan waxaa naga xiga way sahlan yihiin waa qalbiyadeena iyo xoogeena oo aan isku darno dabcan qof kasta waa samaysan karaa nolol qurux badan keliya dadaal ayaa looga baahan yahay.
Dhallinyarada waa kuwii ka qayb qaatay waaye in dalkeena soomaaliya nabad iyo xasilooni la gaaro oo soomaali oo dhan wada heshiiyaan midaas ayaa umadan soomaaliyeed u noqon karta in ay ka faa’ideystaan dhanka ganacsiga, waxbarashada iyo wixii hoos yimaadaan.
Ummadaha horumaray waxa ay maalagashadaan dhallinyarada, waxay xoogga saaraan in ay helaan dhallinyaro uu heellan horumarinta dalkooda iyo dadkooda, meelaha ugu mudan ee la maalgashado waa maskaxda bani’aadamka.
Waad dareemi kartaa in dalkeena uu soo maray gumeysi sidaas ay tahayna loo wada istaagay sidii dalkeena soomaaliya u heli lahaa astaan ama calan kaas oo ka tarjumaya jiritaanka dalkeena iyo umada soomaaliyeed.
Qofka dhallinyarada ah waxaan leenahay waxaa uu horumar ku gaari karaa in uu ilaalliyo waqtigiisa qaaliga waayo sacaad haddii ay ku dhaafto kuuma soo noqonayso waan in waqtigaaga aad kala qorsheysaa oo aadan qof isku dhax-yaacsan noqon oo sacaad kasta wixii aad ugu talagashaa aad sameysaa tan kale waa in had iyo jeer waa in waxbarashadaada ay noqotaa mid heer sare sidaasi daraadeed waxaa lagaaga baahan yahy in waxbarashadaada aad hagaajisaa waa in aad yeelataa qodob aad hiigsanayso mustaqbalka marka aad dhameyzsato waxbarashadaada sida dhaqtar ama garyaqaan iyo wixii la mid ah waad mahasantihiin sida wanaagsan oo mar walba noogu xiran tihiin.
Ugu dambeyn dhallinyaradu waa tiirka nolosha, waa astaanta bulshada, waana udub dhexaadka hawlaha bulshada.
Afeef
maqaalkaan waxa uu ka kooban yahay aragtiyo iyo afkaar dadweyne laga soo aruuriyey ma ahan fikir u gaar ah qoraaga maqaalkaan, waxaan kaa codsaneynaa inaad qeybta commentiga noogu reebto fikirkaaga ku aadan “KAALINTA DHALLINYARADA AY KU LEEYIHIIN HORUMARKA NOLOSHA? si ay u akhristaan dhalinyarta jecel horumarka.
Mahadsanid