You are currently viewing Baqdin Aaminaad (Pistanthrophobia)

Baqdin Aaminaad (Pistanthrophobia)

Baqdin Aaminaad (Pistanthrophobia)

Cabsida inaad aaminiweydo qof kale ayaa waxaa loo yaqaanaa (pistanthrophobia)

Hordhac

Waxa ad isbarateen qof waxaadna yeelateen xiriir, wada sheekeysi dheer kadib waxaa idin dhex maray jaceyl midba midka kale erayada ku lisaayo , isdhaafsiga hadalo macaan , fariimo la isku beer la hawsado , hasee ahaate idinkoo xiriirkiina jaceyl meel fiican idin marayo ayaa midkiina waxaa uu bilaabay inuu ka caajiso xiriirka , kadibna uu bilaabay inuu ka caajiso sheekooyiinkii dhaadheera aad ka wada sheekeysan jirteen, hadalo qurxoona aad ka maqli jirtay oo aad ka weyday markad weydiisana  ‘’ hebelow maxaa kugu dhacay’’  uu ku dhahay waxba iguma dhicin ee waan fiicanahay, kadib qofkaas muda kadib inuu so afjaro xiriirkii idin ka dhaxeeyey. Taas oo qofka kale ee wax jeclaa ku keeni karta inuu ku dhaco niyad jab aad uu weyn taas oo u sababi karto inuu mar dambe uusan xiriir yeelan, haddaba Xalaadaan marka la joogo oo uu qofka ka aamin baxo ama ku kalsoonaanin dadka kale ama uu ka baqo inuu xiriir kale sameeyo ayaa waxaa loo yaqaana  ‘’ pistanthrophobia’’ ( ka cabsida inaad qof kali aaminto ama kalsooni siiso )

Waa maxay pistanthrophobia?

Waa xaalad maskaxeed oo qofka ku dhacdo taaso ku keeni karta inuu dadka aamin wayo ama ku kalsoonaanin gaar ahaan dhinac xiriirka romantics ka ah.

Haddaba xaaladaan ka cabsiga  aaminida  dadka kale waxaa ay ka timaadaa xiriiro hore uso marey qofka xiriirkaas oo ku reebay niyad jab aad u xun ama xanuun an weli dhaawaciisa aan bogsoon, iyo inuu qiyaano kala kulmay jaceylkiisa hore ama diidmo rasmi ah kala kulmay inta waxaa ku keeni kartaa qofka wax jecel inuu xaaladaan la kulmi karo.

Qofka xaaladaan qabo waxaa uu ka cabsadaa inuu xiriir kale sameeyo ama dhiso dareen kale oo fiican hadii uu bilaabo xiriir ama isku dayo inuu dhiso xiriir kale waxaa uu bilaabaa asagoo oo feejigan , misna kalsooni  iyo koolkoollin badan aanu siinaynin qofka kale uu  xiriirka la sameeyey.

Sidoo kale waxaa ay ka imaan kartaa dhinac qoyska taas oo qofka ku keeni karta inuu qoyskiisa aami wayo, taas ka dhalan karto inuu wax walba oo maskaxdiisa ka guuxayo uu ka qariyo qoyskiisa ama marmar qaar dhacdo inuu ka fogaado qoyskiisa weliba iyaga oo aan u sheegin asagoo ka baqaya in la fahmi waayo.

Calaamadaha lagu garto Baqdin aaminaad(Pistanthrophobia)

Hadda waxaa jirto calaamado lagu garto qofka qaba xaaladaaan waxaa kamid ah:

  • Cabsi joogta ah oo ka qabo dadka kale
  • Inuu marwalba diyaar garow ku jiro ama iska caabin joogta ah sameeyo
  • Ka fogaanshaha sheekooyiinka dhaadheer ama inuu soo gaabiyo wada sheekeysiga
  • Ka fogaanshaha waxa yaabaha keeni kara isdhexgalka ama xiriir jaceyl
  • Inuu iska ilaali marwalba xiriir romantic ah inuu sameeyo

Waxaa jira caalamado ka badan inta aan kor kuso xusnay hasa ahaate qofka xaaladaan qabo waa qof marwaliba feejigan oo suuraysanaya in xiriirkaan uusan noqon doonin mid waara madaamo ay u muqdaan nabaradii hore astaamo u eg iyo ficilo la mid ah uu ka dheehan karo qofka uu xiriirka la wadaagi rabo.

Waxyaabaha sababa in qofka uu aamino wayo dadka kale siiba xiriir jacayl

  1. Xiriir hore oo ka xumaaday

Waxyaabihii hore ee uu qofka laso kulmay sida qiyaano kala kulmay qof uu jeclaa ama diidmo qeexan kala kulmay qof uu si dhab ah u jeclaa intaas oo la isku daray qofka waxa ku keeni kartaa xaalada pistanthrophobia midaas oo ku sababi karto inuu so xirto albaabadiiisa dareenka ah oo uusan qofna ku kalsoonaanin.

2. Deganaan la’aan dhinac dareenka (emotional instability)

Qofka qaba xaalada deganaan la’aanta dareenka sida welwel xumida ama murugta xad dhaafka ah iyo ka cabsiga isdhexgalka bulshada intaas oo la isku daray qofka waxa ku keeni karta inuu ku dhaco xaalad nafsiyadeedka pistanthrophobia

3. Kalsooni la’aanta uu ku qabo nafsadiisa  ( lack of self-trust)

Qofka oo aan ku kalsooni ku qabin nafsadiisa sida inuu dareemayo in laga fiican yahay ama xaaladiisa dhaqaale oo aan wanaagsaneen ama qaab jireedkiisa ama muuqaalka guud ee nafsadiisa, kuwaan oo lagu tilmaamo waxyaabaha aasaaska u ah kalsooni darada nafsada

4. Niyad jab uu kala kulmay dhacdooyin soo maray

Waayida waxyaabihii horey u jeclaa sida qof uu jeclaa ka  dhintay, qof uu jeclaa oo uu ka tagay ama qof kale ka raacay midaas oo ku keeni karto qofka in deganaan la’aan ku dhacdo maskaxdiisa misna isku bedesho dhowr xaalad nafsiyadeed.

Raadka ay ku reebi karto qofka qaba xaalada Baqdin aaminaad(pistonthrophobia)

Marka qofka uu la kulmo waxyaabaha keeni karo xaalad nafsiyadeedka pistanthrophobia waxa ku sababi karta :

  • Emotional isolation ( gooni u goosad dareen )

Taas micnaheedu tahay in qofka ka dhigayso xaalada pistanthrophobia inuu noqdo gooni u goosad dareen oo xiriir u jaro dadka kale maadaamo aanu awoodin inuu xiriir sameysto.

  • in ay ku adkaato sameysashada xiriir waara haduusan helin qof fahma
  • soo wajahid xaalad caafimaadka maskaxdi sida welwel iyo walbahaar

Taas oo micnaheedu tahay in ay ku adkaato inuu sameeyo isdhexgal bulsho ama welwel joogto ah qabo ama cunto xumi ku dhacdo oo aan si fiican cunto u qaadan.

  • Decline in quality of life ( hoos u dhicida tayada nolosha)

Dadka qaba xaalada pistanthrophobia waxay marqaati ka yihiin in ay tayada noloshooda xoos u dhacayso marka ay ku dhacdo xaaladan (pistanthrophobia) taas oo uga wacan in ay ku adagtahay sameysasho xiriir wax ku ool leh iyo in ay marwalba ka welwelaan qiyaano ama qasaaro taas oo qaribaysa farxadooda iyo tayada noloshooda.

Hadda fahamka pistanthrophobia waa tallaabad ugu horeysa ee xagga is-wacyigelinto si qoto dheer, shakhsiyaadka la kulma xaaladaan waxaa muhiim ah in la xusuusto in habka bogsashada uu qaato waqti iyo hurid nafeed iyagoo taageero laga helaayo kuwa la jecelyahay iyo caawinmaada xirfadlayaasha.

Maareynta pistanthrophobia waxay qof u furaysaa albaabada caafimaad qabka maskaxdiisa iyo nafsadiisa iyadoo dedaal shaqsiyadeed oo badan laga rabo qofka qaba xaaladaan, tallaabo yar oo kasto uu qaado qofka xagga iyo ku kalsoonaanta nafsadiisa iyo xiriiir la sameysashada dadka kale waxay u keeni kartaa inuu noloshiisa dhinaca wanaagsan u leexato.

Wixii faafihin dheeraad ah linkiga hoose ah ku dhufo si aad wax badan ug fahanto

https://www.healthline.com/health/mental-health/pistanthrophobia

Leave a Reply