Bismillaahi boqol afar iyo tobankay ka bilaabataaye Baraa’ wax aan ka ahayne.
Bismillaahi baab walba bilowgiisa bulsho baahideedi waaye.
Bisinkaan ka bilaabaheyna barakaan jiriheyna boqolaal milyan booqashaa rajadeenu tahaye.
Bisinka barakadiisa baabab badan baa ku soo aroorey qormo laguma soo koobi kaaraaye.
Badar markaa la cunaayo bisinka lagu bilaaba si uu u barakoobo.
Suuli markaad galeysidna bisiknaa lagu galaa shar iyo shaydaan xijaabkoodi waaye.
Guriga markaad ka baxeysidna bisinkaa looga baxaa balo lama kulmeysid bi’idnillaahi.
Ducooyin xijaab oo badan xisnul muslim baad ka heli kartaaye.
Maktabad ksatoo tagtaa sahal uga heli kartaaye.
Bisinka sheekadiisana halkanaa aan uga tilaabo, T da aan u jihayste.
Taariikh wixii la soo maray iyo timaatadeedii dheh.
Tuhun wixii jira iyo jiilka damqashadiisii dheh.
Tabashoo idil tab cusuboo looga tilaabaayi dheh.
Tan aan kuu tataabtay iyo tu kaloon ka tagay isku tabtoo dheh.
Talaa lanaga rabaa, taaganaasho waxba ma tartoo dheh.
Tooreydan la isku bireynaayiyo jantadoo jeebka ku jirto jaahilnimadoodii dheh.
Tuhunkan batiyo tabashadan aan taagta loo hayn talo Alle dheh.
Tubtaan maanta hayno hadii Alle noo toosin tii halaagii dheh.
Tawakaltu calallaahi inaan dhahnaa taas inoo dhaantaa dheh.
Towbad keen ilaahaa naga mudane Allah na waafajiyo dheh.
Tubta toosan Allow nagu hagaaji deeqsi baad tahay dheh.
Taakulana adigaan kaa rabnaa tuhun badan baa jira dheh.
Tabtii tataarkiyo tu u eg baan arkayaa dheh.
Tiirka hadaan la geyn qofkii qof dilaa xalkii lawaa dheh.
Tukashada salaadiyo soonka bisha Ramadaan raxmad Rabbi dheh.
Taas qofkaan sameyna qof qiyaamaha hoogey dheh.
Tusaalooyin badan baa taas ku geedaaman dheh.
Taariku salaad qofkii la nool qof qasaarey dheh.
Towbada mar walbay furan tahaye tubtu calallaah dheh.
Tuko salaaduna sida sunada waafaqsan dheh.
Taas hadaadan samayn tahlukadaadii dheh.
Erayadii: Abwaan Gedey.